|
Xarunta TV-ga Aljazeera ee
magaalada Muqdisho oo manta weerar loo geystay.
Dagaalkii saakay ka qarxay deegaanka Taleex ayaa waxaa saameyn uu ku
yeeshay xafiis meel aan sidaa uga fogeyn uu ku laaha television-ka
Satalaytka ee afka Carabiga ku hadala ee saladhigiisu yahay magaalada Doxa
Al Jazeera.
TV-ga Al Jazeera oo dhwaan xafiis ka furtay maagalada muqdisho ayaa
xaqiijiyay in xafiiska ay ku leeyihiin Muqdisho ay waxyeelo kasoo gaartay
dagaalka ka socda koofurta magaalada muqdisgho ee u dhexeeya Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo Isbaheysiga liddiga ku ah Argagixisada.
Wariyaha u jooga TV-ga Al jazeera magaalada muqdisho oo lagu magacaabo
Ehab Alfi ayaa ku waramay in xaaladda Muqdisho ay tahay mid aan ku habooneyn
saxaafad basle ay tahay mid cabsi badan leh.
Weerarka lagu qaaday xafiiska Al jazeera ee Muqdisho ayaa waxa uu xubin
ka yahay weeraro looga bartay in Mareykanka iyo xulifadiisa ay ku
bartilmaameedsadaan howla wadeenada TV-gaasi oo loo arko in maadaam axqiiqda
uu ka hadalayo mid gacan siiya Argagixisada waxa loo yaqaano ee addunka uu
loolanka hubeysan kula jiro.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |