|
Safiirka Soomaaliya u fadhiya
Qaahira oo ku eedeeyay Mareykanka in ay la shaqeyn waayeen dawladda kmg ah.
SafiirkaSoomaaliya u fadhiya dalka Masar C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa ku
eedeeyay dawladda Madaxweyne Bushka Mareykanka in ay faragelin qaawan ku
hayso arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay la shaqeyn weysay dawladda
sharciga ah ee ka jirta dalka soomaaliya.
Danjire Xasan ayaa hadalkaasi ka sheegay magaalada Qaahira, waxa uuna
danjiruhu ku dhaliilay dawladaha Carabta in ay cidleeyeen walaalahooda
islaamka ah oo dhibaato adag ay soo wajahday.
"dawladaha carabta wax mudnaan ah oo sidaa u buuran ma aynan siin dalka
Soomaaliya, waxa ay ku eegteen shacabka Soomaaliyeed dhiabatada haysata
“ayuu yiri safiirkaSoomaaliya oo intaa raaciyay ôwaxaa looga fadhiyaa in ay
la shaqeeyaan dawladda Soomaaliya, isla mar ahaantaana shacabka Soomaaliyeed
ay ka saacidaan dhinacyada siyaasada iyo dhaqaalaha”.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Qaahira waxa uu carabka ku dhejiyay
in dawlad qura ay dabooli karto baahida dawladda Soomaaliya, isaga oo wax
laga xumaado ku tilmaamay mowqifka dawladaha Carabta ay ka istaageen
arrimaha Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |