Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maareeye oo ka hadlay go'aankii dhawaan baarlamaanka Puntland uu qaatay ee kalsoonia uu kala noqonayey ra'isalwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Wasiirka warfaafinta dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta ka jawaabay eedeymo ka dhan ah ra段isal wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka yimi dhanka maamul goboleedka Puntland, isaga oo difaacay go誕anka ra段isal wasaaraha uu kaga horjoogsaday maamulka Cadde Muse baarista dhinaca shidaalka ah ee laga sameeynayo deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo.

Maareeye ayaa ku eedeeyay maamulka uu ka madaxda yahay Cadde Muuse in ay ku tunteen heshiiskii ay wada gaareen dawlada fedaraalka iyo maamul goboleedka Puntland ee lagu dhisay guddi labada dhinac ah, kaasi oo 6 qodob ka badalaya heshiiskii maamulka Puntland uu la galay shirkada Concert Private Limited.

Waxa uu intaa ku daray in dawladda ay qoraal u dirtay shirkadaasi, balse ay ka war heleen shirkadaasi oo qandaraasyo soo siisay shirkado kale oo baaris ka sameyneysa deegaano hoos taga maamulka Puntland oo dhalisay dagaalo dhiig uu ku daato oo ka dhacay deegaanka Majayahan.

Wasiirka warfaafinta waxa uu sidoo kale shirkiisa jaraa段d ku sheegay in ra段isa wasaaraha oo gudanaya waajibaadka uu u hayo qaranka, isla markaana dhawraya shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada dawladii hore ay la gashay wadamada caalamka waxa uu u qoray warqad ku astaysan xafiiska ra段isal wasaaraha 456 oola soo saaray 18kii bishii May, taasi oo loo diray madaxweynaha Puntland oo lagaga codsanayo in la hakiyo hawlahaasi tan iyo inta laga dhameystirayo shirciga soo saarta kheyraadka dalka.

Hadalkan kasoo baxay dawladda ayaa yimi kagadaal markii maalintii axada maamulka Puntland uu u dhawaaqay in uu cilaaqaadka u jaray ra段isal wasaare Geeddi oo ay ku eedeeyeen in uu duudsanayo xuquuqda maamulka Puntland uu u leeyahay in dhulkiisa uu shidaal uga baarto.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 

ゥ RSTV 2006. All Rights Reserved