Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Cali C/lla Saalax oo ka hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Yemen Cali C/lla Saalax oo maanta shacabka dalkiisa ka la hadlay talafashinka munaasabada sanad guuradii kasoo wareegatay markii Yementa waqooyi iyo tan koonfur ay midoobeen ayaa soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Muqdsiho.

Cali C/lla Saalax ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado dagaalada soo noq noqonaya ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, isaga oo ka codsaday dhinacyada ku dagaalamaya in colaada ay joojiyaan, siala markaana wadahadal ay ku dhameeyaan khilaafka gacan ka hadalka sababay ee gallaaftay nolasha boqolaal qof oo u badan dad rayid ah.

Madaxweynaha dalka Yemen ayaa mar kale ku celiyay in dawladdiisa ay bar bar taagan tahay dawladda Soomaaliya, isaga oo ammaanay dadaalada dawladda kmg ah ee Soomaaliya ay ugu jirto nabad ku soo dabaalida dalka oo muddo 16 sanadood ah ay ka jireen dagaalo ahli ah.

Waxa uuna ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan wadamada Carabta in ay taageero u fidiyaan dawladda Soomaaliya si dalkaasi mar kale uu isugu taago cagahiisa.

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa sidoo kala ka hadlay xaaladaha ka taagan dunida muslimka sida Falastiin, Ciraq, Afganistan iyo wadamo kale, waxa uuna sheegay in looga fadhiyo wadamada carabta iyo kuwa islaamka in ay ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa mashaqada haysata shucuubta wadamadaasi.

Madaxweynaha Yemen oo ka hadlayay munaasabada 22ka bisha May ee midowga Yementa koonfureed iyo tan waqooyi ayaa ku tilmaamay maalin taariikhi ah oo aan la halmaami Karin, isaga oo si faah faahsan uga hadlay horumarkii dawladdiisa ay ku tallaabsatay muddaasi 16ka sanadood ah.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved