|
Madaxwayne Soomaaliya oo gaaray
Liibiya.
Madaxweynaha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf
Axmed ayaa magaalada Tribuli ee xarunta dalka Liibiya, halkaasi oo si diiran
ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Liibiya.
Col. C/llaahi Yuusuf oo hadal kooban u jeediyay warfidiyeenada kadib
markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in booqashadiisa ay
qeyb ka tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo waliba sidii hogaamiyaha
Liibiya uu uga warbixin lahaa xaalada Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxuu uu xusay in shacabka soomaaliya ay ka
go’antahay nabad kusoo dabaalida dalka si loogu soo gamco baneesto dib u
dhiska dalka.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa indhawaalaba waxa uu socdaal ku marayay
wadamo ku yaalla qaarada Yurub, isaga oo taageero u raadinayay dawladdiisa,
waxa uuna socdaalkiisa uu ku tagay dalka Liibiya kusoo beegmayaa xilli
dagaallo aad u qaraar ay ka socdaan caasimadii dalka ee Muqdisho.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |