Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday golaha baarlamaanka inuu xilalka ka qaadow asiirada hubeysan ee Muqdisho colaada ka wada.

Madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka codsaday golaha baarlamanka in ay xilka ka qaadaan wasiirada hubeysan ee ku jira xukuumada Soomaaliya ee xubnaha ka ah isbahasyiga soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada oo dagaalo lagu hoobtay kula galay magaalada Muqdisho maxkamadaha islaamiga Muqdisho.

Madaxweyne Yuusuf ayaa hadalkaasi ka sheegay khudbad dheer oo uu ka jeediyay golaha baarlamanka hortiisa, isaga oo ku faahfaahiyay balan qaadyadii lacageed ee loo yaboohay dawladdiisa intii uu ku maqnaa socdaalkii uu kusoo kala bixiyay wadamo ku yaalla qaaradaha Yurub iyo Afrika.

"waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in xilalka laga qaado wasiirada xubnaha ka ah isbahaysiga ay ku sheegaan argagixisada in uu la dirirayo mar haddii ay shcabka laynayaan, maxaa yeelay eeda waxa ay ku dhacaysa dawladda ay xubnaha ka yihiin" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlayay xaalada magaalada Muqdsiho.

Madaxweyne Yuusuf waxa uu sheegay in beesha caalamka ay u ballan qaaday lacago aad u fara badan oo wax lagaga qabanayo dhinac kasto, waxa uuna xusay madaxweynaha in lacagahaasi loo soo marsiiyay hay’adaha QM iyo ururo caalami ah, hayeeshee waxa uu madaxweynaha si kaftan ah u yiri mar haddii uu maqan yahay wasiirkii arrimaha gudaha oo laga doonayay in uu la wareego lacagaha dawladda ee wax lagaga qabanayo arrimaha gudaha dalka in loo sameeyo ku sime si loo buuxiyo kaalintiisa.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in 5 milyan oo loo qoondeeyay in lagu kobciyo dhaqaalaha, shaqana lagu abuuro, taasi oo lagu wareejiyay (ILO) ururka shaqaalaha adduunka, 3 milyan oo doolar oo wax lagaga qabanayo booliska dalka waxaa loo dhiibay hay’adaha UNDP iyo 1 milyan oo doolar oo loogu tala galay dhiibay oogu qaaday lacago aad u fara badan oo wax lagaga qabanayo talaalka caruurta in ayadana loo dhiibay hay’ada WHO.

Madaxweyne Yuusuf waxa uu tibaaxay in kaalmo kasto loo soo marsiinayo dawladdiisa hay’adaha QM u qaabilsan dhinaca bini aadanimada.

Madaweyne Yuusuf waxa uu sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay heshiiskii ay la galeen midowga Yurub iyo lacagihii ay u ballan qaadeen.

Golaha baarlamanka ayaa ka doodaya khudbadii madaxweynaha iyo ballan qaadyadii lacageed ee uu ka helay beesha caalamka intii uu socdaalka ku soo kala bixiniyay wadamo ku yaalla qaaradaha Yurub iyo Afrika.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


© RSTV 2006. All Rights Reserved