Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Dheere oo gawaari dagaal soo dhoobay deegaanka Ceel Cirfiid oo ku yaalla duleedka Suuqa Xoolaha si ay gacan u siiyeen maleeshiyada Botaan Ciise oo maanta jab xooggan loo geystay.

Maleeshiyaad daacad u ah guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Maxamed Dheere oo wata gawaarida dagaalka ayaa soo gaaray degmada Balcad, halkaasi ee uu ka taliyo wasiirka ganacsiga.

Maleeshiyaadkan ayaa ku biiray kuwa kale oo daacad u ah Muuse Suudi iyo kuwii firxadka ahaa ee ka cararay deegaanka Suuqa Xoolaha, waxa ayna qorsheynayaan duulaan in ay ku soo qaadaan maleeshiyaadka maxkamadaha islaamiga ee ku sugan deegaanka Darmoole.

Goob jooge ku sugan degmada Balcad ayaa saxaafada u sheegay in maleeshiyaadkaasi ay kasoo dhaqaaqeen degmada Balcad, ayaga oo u soo baqoolay dhanka deegaanka Ceel Cirfeed oo ay difaac uga jiraan maleeshiyaadka isbahaysiga ee kasoo cararay deegaanka Darmoole.

Dadka ku dhaqan deegaanada hoos taga degmada Balcad ayaa walaac ka muujiyay colaada ka aloosan deegaanadooda, ayaga oo ka baqaya in mar kale dagaal uu ka dhaco deegaanka Darmoole.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved