Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maareeye oo beeniyey in dowlada federaalka ay lacago been abuur ah kala soo degtay magaalada Boosaaso.

Wasiirka warfaafinta dawladda FKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gaashaanka u daruuray warar sheegayay in dawladda ay lacag kasoo degsatay magaalada Boosaaso, isagoo hadaladaasi ku tilmaamay kuwa been abuur ah.

Maareeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, kadib markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in diyaarad siday 30 bilyan oo shilin Soomaali ah ay soo caga dhigatay garoonka diyaarada magaalada Boosaaso, ayadoo lacagtaasi ay soo sameysatay dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaiya.

“30-ka bilyan ee la sheegayo dawladda in ay uga soo degtay magaalada Boosaaso waa hadal aan sal iyo raad toona aan lahayn, waxaana caddeynayaa in warkaasi uu yahay mid aan wax ka jirin” ayuu yiri Maareeye oo saxaafada lahadlayay isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Lacagahan laga soo dejiyay magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa in dawladda Soomaaliya uu u soo sameeyay nin ganacsade Soomaaliyeed ah, ayadoo dawladda iyo ninkaasi ay kala qeyb sanayaan lacagahaasi.

Lacagahan been abuurka ah ee la sheegay in ay taallo bangiga maamul goboleedka Puntland ayaa gil gilay suuqyada lagu sarifo lacagaha qalaad ee magaalada Muqdisho, ayadoo ganacsatada ku sugan seyladaha lagu sarifo lacagaha qalaad ay walaac ka muujiyeen lacagaha la sheegay dalka in la soo geliyay, taasoo saameyn ku yeelanaysa guud ahaan dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee dalka.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved