Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shirka Oday Dhaqameedyada Somaligalbee (Ogadenya) iyo Jaaliyadda Minnesota

Todabaadyadan ayaa waxa ku soo qulqulayey Gobalka Soomaalidu u badantahay ee Minnesota qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu Sarreysa Ururka Xornimo udagaalanka Ogaadeeniya (OLNF) iyo Oday dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha Degaanka Kilil ka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia . iyada oo hadafkoodu uu ahaa in ay la kulmaan jaaliyada Ka soo jeeda Kililka 5aad ee ku dhaqan Gobalka Minnesota .

Arimaha ugu waaweyn ee ay ka la hadleen ayaa waxay ahaayeen , iyaga oo u soo bandhigay xaaladda guud ee uu Gobolku  ku suganyahay, Halganka uu Ururku wado iyo arin kusaabsab Xaajada ugubka ah ee ay Dawlada Ethiopia ku raadinayso wada hadal u furma Xukuumada Ra'iisalwasaare Meles  Zenawi iyo Masuuliyiinta ONLF, oo ay ukala Dabqaadayaan Oday dhaqameed yada kasoo jeeda Beelaha Kililka.

Iyada oo ay masuuliyiinta lada dhinacba ay la kulmeen jaaliyada laba maalmood oo kala gadisan ayaa waxa axadii bishu aheed 4/30/06 ay isugu soo baxeen in ka badan 500 oo ruux qasri ku yaala magaaalada Minneapolis si ay warbixin uga qaataan odayaal dhaqameedyada oo ka koobnaa sadex mudane oo kalahaa 1.Ugaas Abdiraxmaan Ugaas Muxumad Qani oo mar ahaan jiray Madax weeynaha Kililka 5aad, 2. Cali’aar Mataan Abshir 3.Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi (Sheekh Farxaan).

  Ugu horeyn tiiba waxa shirka Furay oo umahad celiyay kasoo qeyb galayaashii iyo martidiiba Suldaan Cabdiqani Suldaan Cali Saafi oo isagu ah guurtida sida aadka ah  looga xushmeeyo guud ahaan dalkan America isagoo markaa qaabilsanaa soo dhaweynta guurtida. Suldaan cabdiiqani wuxuu markiiba guud maray hadafka shirka isaga oo faray ka soo qabgalayaasha in ay dhowraan nidaamka isla markaasna faray in ay su’aala ha oo idil furanyihiin marka lagaadho xiga loogu talagalay oo loo qoondeeyay warbixinta kadib, wuxuuna warbahiyaha ku soo dhaweeyay Sheekh Maxamed Sheekh C/laahi.

  Sheekhu wuxuu guud maray Hadafka Socdaal kooda iyo Dhibaatooyinka ka taagan Kililka lafahaantiisa. Wuxuuna ku nuuxnuux saday kala duwanaashaha beelaha ku nool deegaanka iyo sida ay lama huraan u tahay midnimo lahelo si looga badbaado cooladaha iyo abaaraha hadheeyay guud ahaan gobalka oo idil.

Wuxuuna ka digay in aan xujo iyo kala duwanaasho sabab looga dhigin magaca jabhadda iyo gobolka loo yaqaano ee Ogaadeeniya. balse loo arko oo kaliya magac uu baxshay Isticmaarku.Hadii arinta xalkeeda loo badsho hal beelna ay sababtu tahay iyada oo beeshaasi leedahay jabhad hubeysan oo dagaalanta islamarkaana ay geysato dhibka intiisa badan, dhibka badankiisuna iyada ku dhaco, ayuu ku sii daray hadkiisii..Sheekhu waxa uu aad ugu mahad celiyay dadkii isugu soo baxay isga oo qiray sida uu ugu qanacsan yahay soo dhaweynta uu la kulmay kuna amaanay sida ay ugu soo baxeen waajibadkii saarnaa isaga oo sheekhu yiri waa waajib diiniya soo dhaweynta marti wada wanaag sidayada oo kale.

Itaa kadib,waxa hadalka la wareegay Cali’aar Mataan oo dulmaray kulamadii ay hore ula soo qaateen jaaliyadaha kale ee ay ku soo mareen Gobaladii kale ee ay booqdeen iyo waxay kala soo kulmeen oo uu macneeyay in ay ugu dhamaatay guul iyo is afgarad la gu heshiiyay in wada tashigu yahay mamahuraan talaabo kasta oo laqaadayo.

Ugu danbeyntii, waxa lawareegay codbaahiyaha Ugaas Abdiraxmaan oo isagu sharaxaad guud ka bixiyay talaabooyinkii uu soo maray wadahadalka ay raadinayaan is afgaradkiisa.

   Ugaasku waxa uu shaaca ka qaday in ay arintan aanay aheyn mid ka timid Malez balse tahay mid ka soo go'day odayaal dhaqameedyada,indheegaradka iyo Guurtida beelaha Deegaanka Kililka 5aad, kadib markay xal u arki waayeen in colaadu sii daba dheeraato oo ay go’aan sadeen in ay waydiiyaan Maamulka Dowlada Ethiopia waxa ay ka qabaan in ay ogalaadaan wada hadal in xal lagu helo.

Taas oo uu ogalaaday Raysal wasaare Melaz. Balse ay marka hore wada tashiyo la sameeyo dhamaan shaqsiyaadka uu arinkan quseeyo.ugaasku waxa uu daboolka ka qaaday in aanay aheyn ergo ka socota Melaz ama aanu soo dirsan, masuulna aanay ka heyn damaca dowlada iyo wixii ka soo baxa, miro dhalka hadii uu kulan laba geesooda uu dhaco balse u jeedadoodu tahay in lawada tashado si loo helo qorshe rasmi ah oo keeni kara xal dan u ah bulshada ay dhibaatooyinka kala gadisan ku habsadeen muda da dheer.Ugaasku wuxuu ku nuuxnuux saday sida ay kalsooni iyo wada hadal labada dhinac dhex mara u keeni karto dhabaha lagu helayo guushii halgankii ay ku naf waayeen kumaan kun dad ahi.

Waxaanu marag uga dhigtay in melaz uu ogalyahay in uu wadahadal wax ku dhamaadaan isla markaana uu meelmarinayo wax kasta oo la is ku afgarto xitaa marka lagu daro hormarinta Kililka 5aad iyo in Shacbiga deegaanka loo madax baneeyo aayo katalintooda iyo maamulka Gobalka ba .

Ugaas ku waxa uu ka digay in arinta ay wadaan iyada oo aan lakala hubsan lakala dhantaalo waxaanu ka codsaday ONLF in ay joojiyaan wararka kala geyn kara Dadka wada dhashay oo aan laga hordhicin hadaf ka qorshaha ay wadaan oo ah mid soo dadajin kara helitaan ka xaquuqda ka maqan bulshada gobalka oo idil waa sida uu hadalka u dhigaye .

Mar la waydiiyay muxuu yahay qorshaha ay ku qancin karaan ONLF in ay ogolaato arinta ay wadaan ? Waxuu Ku jawabay in baranaamij ka ay u wadan ONLF aanay cid aan iyaga aheyn ka lahadli doonin. Sida oo carbaka ku dhuftay in wada hadal u socdo iyaga iyo qaar kamid ah Madax da Jabhadda.Ugaasku waxa kale uu Soomaalida kale ugu baaqay in aay arintan meel marinteeda aanay bananaka istaagin ee ay qeyb ka qaataan meel marinta fakirka ay wadaan Guurtida uu ka mid kayahay.

Gababadii shirka oo ku soo xirmay su'aalo, waxa uu ku dhamaaday jawi ay ka muuqatay is qancin iyo rajo xalwaara oo ka bidhaamaysay wajiyadii ka soo qaybgalayaasha. Inta ay joogaan wafdigu  waxay shirar hoose la galayeen bulshada kale ee ku nool Gobalka iyada oo habeenkii Isniita 05/01/06 ay casha sharaf u sameeyeen odayaasha, Aqoonyahanada ,indheegaradka iyo hawenka Kasoo jeeda Deegaanada Puntland Soomaaliya.

 

Abdifatah M Abdinur
RSTV NEWSROOM
MINNEAPOLIS


© RSTV 2006. All Rights Reserved