Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Khilaaf aad u ba'an oo soo kala dhex galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee isbahaysiga la baxay la dagaalanka argagixisada.

Khilaaf baahsan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhex abuurmay xubnaha isbahaysiga la dagaalanka argagixisada qaarkood ka dib markii magaalada Muqdisho dagaalkii ay kula galeen maxkamadaha looga itaal roonaaday.

Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi, Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo ganasacade Bashiir Raage ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo khilaafka ugu ba’an ee ka dhex taagan xubnaha isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxaana dhinacyadan ay isku eedeynayaan mas’uuliyada guul daradii ay kala kulmeen dhanka maxaakimta ka dib markii dagaal ay kula galeen deegaanka Galgalato iyo Geed Timir.

Maxamed Dheere iyo Ganacsade Bashiir Raage ayaa ku eedeeyay Muuse Suudi in maleeshiyooyinkiisa ay dagaalka isaga soo baxeen taasina ay keentay in ay ku soo jabaan dagaalka fariisimahoodiina laga qabsado.

Warar aynu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Bashiir Raage uu kala soo baxay cusbitalka Keysaney dhaawacyadii ka yiilay, waxa uuna dhigay guri ku yaalla degmada Shibis, halkaasi oo haatan lagu daryeelayo, waxaana ilo muhiim ah ay sheegayaan in isbahaysiga ay ku adkaatay in dhaawacyadiisa uu geysto cusbitaalada muhimka ah ee magaalada Muqdisho oo haatan dhamaantood gacanta u galay maxaakiimta islaamiga ah.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in Bashiir Raage uu maleeshiyaadkiisa isugu geeyay deegaanka Shibis halkaasi oo haatan ay difaac kaga jiraan,waxaana wadooyinka degmooyinka C/casiis iyo Shibis lagu arkayaa maleeshiyooyin aad u hubeysan oo isbahaysiga leeyahay kuwaasi oo ka baqdin qaba in kuwa maxkamadaha ay soo weeraraan.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved