Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hay’adaha Bisha Cas iyo ICRC ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada muqdisho in ay colaada joojiyaan .

Hay’adaha Bisha Cas iyo ICRC ayaa sheegay in dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ay salfanayaan nolosha dadka rayidka, waxa ayna codsadeen in la joojiyo dagaaladan.

Bisha Cas iyo ICRC waxa ay xuseen in 25-kii bishii May ee lasoo dhaafay cusbitaalada magaalada Muqdisho ee ay maamulaan ee Madina iyo Keysaney la dhigay in ka badan 150 qof oo dhaawac ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar ,ayadoo dagaaladaasi ay gallaafteen tobaneeyo qof oo rayid ah, inkastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay dagaaladaasi oo wararka qaarkood ay sheegayaan in gaarayaan ku dhawaad 300 oo ruux oo rayid u badan.

Bisha Cas iyo ICRC ayaa ku guubaabiyey dhinacyada isku haya in ay dhawraan xeerarka caalamiga ah ee la xiriira dhowrista iyo xushmeynta xuquuda shacabka iyo sidoo kale badbaadinta shaqaalaha ku howlan badbaadinta dadka dhaawacyada kala duwan qaba waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya in dagaalka ay joojiyaan .

Hay’ada ICRC ayaa sare u qaaday kaalmooyinka gargaar ee ay siiso cusbitaalada Madiina iyo Keysaney si shaqaal;aha cusbitaaladaasi ay ugu suuro gasho badbaadinta iyo la tacaalida dhaawacyada faraha badan ee loo keenayo ,sidoo kale hay’adan ayaa deeqo dawooyin ah waxa ay gaarsiisay cusbitaalada kale ee magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

© RSTV 2006. All Rights Reserved