Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Jaamacadda Carabta oo safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya.

Masuulka lagu magacaabo C/lla Mubaarak oo marar badan booqashu ku yimid caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa waxaa Jaamacadda Carabta ay u magacawday safiirkeeda rasmiga ah ee u fariisanaya xafiis ay ku furaneyso magaalada Baydhabo.

Safiiraka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa hore u kaga qeb qaadanay fududeynta howlaha nabadda Somaliya,iyadoo Jaamacadda Carabta ay dhowr mar u soo dirtay magaalada Muqdisho iasago halkaasi u yimid howlo ku aadan nabadda iyo xasiloonida Somaliya.

Warar aan ka helnay magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda FKMG ee Somaliya C/laahi Yusuf Axmed uu ka gudoomay Ambassador Mubaarak waraaqihii aqoonsigiisa ahaa,iyadoo markaasi loo ogolaadauy in xafiiska ay ka furaneyso Jaamacadda Carabta magaalada Baydhabo uu fariisto.

Madaxweyne Yusuf ayaa waxaa si wey uu u soo dhaweeyay talaabada Jaamacadda Carabta isagoo sheegay in aad u gu faraxsan yahay in Jaamacadda Carabta ay aqoonsi siiso dowladdisa.

Dowrka Jaamacadda Carabta ee ku aadan dowladda Federaalka ayaa hore waxaa ugu jiray mugdi,sababtaasi oo lagu micneeyay dowladda FKMG oo haatan ay unkeen dalalka ku buhoobay urur goboleedka IGAD,iyo sida ay u meel mari weysay dowladdii Carta oo ay Jaamacaduu si xoogan u taageereysay.

Si kasta oo ay ahaataba waxa la filayaa in masuulkaasi Jaamacadda Carabta matalaya uu magaalada Baydhabo soo gaaro waqtiga ugu munaasabsan,iyadoo markaasi u furi doono xafiis Jaamacadda Carabta ay kala socoto xaaladda Dowladda iyo dalka Somaliya.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved