|
Jabhad ku kacsan maamulka
Indhacade oo xalay weerar dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen ku qaaday
magaalada Marka.
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacantay bambaanooyin fiidnimadii xalay lagu
weeraray magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, taasi oo
masuuliyadeeda ay sheegteen jabhad isku magacaabtay badbaadada Digil oo
ayada ku kacsan maamulka Shabeellaha hoose.
Kooxdaasi ayaa bambaano ku tuurtay meel lagu cunteeyo oo ku taalla
bartamaha magaalada Marka, taasi oo sababtay in ay wax ku noqdaan dad rayid
ah oo ka qaxweenayay maqaaxidaasi oo magaceeda lagu sheegay Baar C/qaadir.
Weerarkaasi waxaa sidoo kale uu sababay waxyeello soo gaartay gaari N3 oo
halkaasi ku sugnaa, lama garanayo sababta kooxdaasi ay u beegsatay goobtaasi
oo ahayd meel dadka rayidka ah ay isaga fiidsadaan.
Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la dhigay cusbitalka guud ee
magalada, halkaasi oo saakay ay soo buux dhaafiyeen ehaladii dadkaasi oo
walaac aad u ballaaran ka muujiyay sababaha loo weeraray dadkan isaga
sheekeysanayay maqaaxidaasi.
Kooxdan magaceeda ku sheegtaa jabhada bad baadada Digil ayaa sheegata in
ay halgan kula jirto maamulka Sheekh Yuusuf Indhacade oo ay ku eedeysay in
uu xoog ku haysto gobolka.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |