Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Xubin ka tirsan isbahaysga oo lagu weeraray isgoyska Km4 iyo dagaalkii Muqdisho oo galay maalintii 3-aad.

Xubin ka tirsan isbaheysiga ladagaalanka argigixisada oo ah Cabdi Nuure Siyaad(cabdi Waal) ayaa Goor dhaweyd lagu weeraray IsgoyskaKM4 ee Magaalada Muqdisho iyadoo ay iska horimadkaasi ku dhinteen ilaa Laba qof sadex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale Dagaal culus ayaa maalintii 3aad kasocda xaafada Siisii ee magaalada Muqdisho, ayadoo khasaaraha dagaalkaasi uu gaysanayo ay soo kordhayso saacadba saacada ka danbeysa, xilli waan waan lagu joojinayay dagaalkaasi lagu fashilmay.

Dagaalkan oo shalay labada dhinac qoraxdu ay ugu dhacday ayaa saakay mar kale ka qarxay xaafadda Siisii, ayadoo dhinacyada isku haya gacan ku haynta deegaanka ee kala ah maxkamadaha islaamiga iyo isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka uu dhinac waliba gurmad hor leh uu kusoo gurayo deegaanka.

Waxgarad ku dhaqan deegaanka oo waan waan ka dhex waday labada dhinac ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen hogaamiyayaasha labada dhinac, balse ilaa iyo iminka aysan ku guulaysan in ay ka dhaadhiciyaan labada dhinac joojinta dagaalka si loo samata bixiyo dadka rayidka ah ee ku dhamaanaya dagaalkan oo galay maalintiisii 3aad.

Cumar Fiyaasko oo ka mid ah waxgaradka ku hawlan qaboojinta xiisadaha ka jira waqooyiga Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaan dadaalada lagu joojinayo dagaalkaasi, isaga oo rajo ka muujiyay in maanta uu dhaqan galo heshiis lagu joojinayo xabada.

Dagaalkan maalintii 3aad galay ayaa gaystay khasaaro naf iyo maal leh, ayadoo dadka rayidka ah ay yihiin kuwa ugu badan oo ku dhamaanaya madaafiicda ay isku ridiyaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Madfac habaw ah oo ku dhacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid waxaa ku geeriyooday 3 qof oo ka tirsan hal qoys oo 2 kamid ah ay caruur ahaayeen, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madfac kale oo habaw ah oo isaga ku soo dhacay guri kale oo isla xaafadaasi ku yaalla waxaa ku geeriyooday 2 qof 3 kalena wey ku dhaawacmeen, ayadoo khasaaraha intaasi ay kasii badan tagay.

Xarumaha caafimaadka ee Muqdisho waxaa buux dhaafiyay dad rayid ah oo wax ku noqday dagaalka ka socda xaafada Siisii, ayadoo cusbitaalada Keysaney iyo Madiina ay yihiin kuwa dhaawacyada ugu badan la dhigay.

Ilaa iyo iminka lama garanayo tirada rasmiga ah ee wax ku noqday dagaalkan, balse warbixinada laga helayo xarumaha caafimaadka iyo jiida hore ee dagaalka ayaa muujinaya geerida ugu yaraan 35 qof iyo dhaawac soo gaaray in kabadan 60 qof, ayadoo tiradaasina ay sii kordhayso maadaama uu dagaalku weli kasocdo magaalada.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa ka barakacay guryahooda, ayadoo xaafadaha degmooyinkaasi ay kusoo hareen dad fara ku tiras ah oo ilaashanaya guryahooda, ayadoo wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayo qoysas raxan raxan u socda oo caruurtooda gacmaha ka haysta.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda ee ku sugan magaalada Baydhabo iyo dallada Culumada Soomaaliyeed ayaa codkooda ku biirayay qolyaha dalbanaya joojinta dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, si loo samata bixiyo dadka rayidka ah ee ku dhamaanaya madaafiicda iyo rasaasta habawga ah ee ka imaanaysa goobta dagaalka.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

© RSTV 2006. All Rights Reserved