|
Hay’adda ICG oo Mareykanka ku
eedeysay inuu faraha kula jiro arimaha gudaha ee Soomaaliya.
Hay’ada ICG (International Crises Group () ayaa xaqiijisay in dawladda
Mareykanka ay faraha kula jirto arrimaha Soomaaliya tan iyo wixii ka
danbeeyay weeraradii 11kii September ee sanadii 2001da.
Masuul sare oo ka tirsan hay’ada ICG oo lagu magacaabo John Prendergast
ayaa sheegay in dawladda Mareykanka ay taageero dhaqaale u fidiso dagaal
oogayaal Soomaaliyeed oo ay u adeegsanayso in ay u soo gacan galiyaan
shaqsiyaad lagu tuhunsan yihiin in ay ka tirsan yihiin ururka Alqaacida oo
looga shaki qabo gudaha Soomaaliya.
"dawladda Mareykanka waxa ay qarash ku faraqdaa dagaal oogayaal
Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka saacidaya soo qabashada shaqsiyaad looga shaki
qabo in ay ka tirsan yihiin ururada argagixisada, waana arrin xeelad dheer
oo shabahda dagaalkii qabooba amaba ka sii daran “ayuu yiri Mr Prendergast
oo intaa ku daray ôhub masiiyaan laakin waxa ay ku faraqaan lacag kaash ah
taasi ayaana uga sahlan. waxa ayna taasi banziin ku sii daraysaa xiisadahii
ka aloosnaa dalka Soomaaliya”.
Hay’ada ICG waxa ay sidoo kale xustay in hogaamiye kooxeedka Maxamed
Dheere uu gacanta u geliyay dalka Mareykanka nin magaciisa lagu sheegay
Suleyman Axmed Xamid Salim oo looga shakisnaa in uu la shaqeeyo argagixisada,
waxaana ninkaasi laga afduubtay cusbitalka Keysaney ee magaalada Muqdisho
sanadkii 2003da.
Hay’adu waxa ay walaac ka muujisay dhaq dhaqaaqyada dawladda Mareykanka
ay ka wado gudaha Soomaaliya, ayada oo hay’ada CIA-da aysan sheegin in
dalkaasi ay joogaan shaqsiyaad khatar weyn ku ah danaha dalka Mareykanka,
waxa ayna hay’adu ay xustay in saldhiga ciidamada Mareykanka ay ka
sameysteen dalka Jabuuti lagu bixiyay qarash gaaraya $100 milyan oo doolar,
taasi oo qeyb ka ah olalaha la dagaalanka argagixisada.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |