Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra'iisal wasaare Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Nairobi.

Ra’iisal wasaarada dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaiya Cali Max’ed Geeddi iyo wafdi ka socday QM oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, kadib markii wafdigan ay kusii hakadeen degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ra’iisal wasaare Geeddi iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga C/risaaq Jurille ayaa waxaa la sheegay in ay Nairobi kula kulmayaan wakiilo ka socda beesha caalamka iyo wadamada deeq bixiyayaasha, ayagoo kawada hadli doona sidii ay gacan uga siin lahaayeen dawladdiisa dib u dhiska dalka iyo waliba maamul u sameynta gobollada dalka.

Geeddi oo ay la socdeen wafdi ka socday QM oo maanta soo gaaray Baydhabo oo uu horkacayay u qeybsanaha QM dhinaca bini aadanimada geeska Afrika Kjel Magne Bondevik oo socdaal qiimeyn ah ku tagay magaalada Baydhabo iyo degmada Waajid oo kamid ah deegaanada sida daran ay u saameysay abaartu.

Socdaalka Geeddi waxa uu kusoo beegmay xilli maanta golaha baarlamanka uu ka qanciyay warar sheegayay in Ethiopia ay aqoonsatay maamulka la magac baxay Somaliland, isagoo maanta ka akhriyay kulankii baarlamanka qoraal kasoo gaaray wasaarada arrimaha dibada Ethiopia oo uu soo diray safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Adis Ababa C/kariim Faarax Laqanyo.

 

Maaxmed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved