Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra段salwasaaraha Soomaaliya oo maanta warbixin u gudbiyey golaha baarlamaanka.

Ra段isal wasaare Cali Maxamed Geeddi oo maanta warbixin siiyay golaha baarlamanka ayaa wax ka ma jiraan ku tilmaamay hadalada sheegaya in dawladda Ethiopia ay xafiis ka furatay magaalada Hargaysa, isla markaana safir usoo magacaabtay maamulka la magac baxay Somaliland.

Ra段isal wasaare Geeddi ayaa u sheegay golaha baarlamanka markii ay soo if baxeen wararka been abuurka ah in uu xiriir la sameeyay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Adis Ababa, isla markaana uu ku wargeliyay in safaarada ay ka keento dawladda Ethiopia warbixin ku saabsan wararka ay faafiyeen warbaahinta, waxa uuna xusay in safaarada ay usoo dirtay dhambaal uu ku qoran yahay jawaab ay ka sidaan dawladda Ethiopia.

Qoraalkii loo soo diray xafiiska ra段isal wasaaraha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya, kaasoo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia ayaa u qornaa sida tan:

Waxaa soo qoray wakiilka safarada noo jooga, waxa uu usoo qoray xafiiska ra段isal wasaraha Soomaaliya waxa ay ku taariikheysan tahay 30ka bishii April oo shalay ku beegan.

Ujeeddo: Farriin ka socota dawladda Ethiopia.

Mudane ra段isal wasaare waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa farriin dawladeed oo aan ka helay dawladda Ethiopia maanta oo bishu tahay 30ka bishii April ee 2006da, Kadib markii aad codsatay in aan la xiriiro madaxda dawladda Ethiopia una gudbiyo fariintaadii ku saabsanayd arrimaha BBCda ka sheegtay Somaliland iyo in ay caddeeyaan halka ay ka taagan yihiin gaar ahaan arrimaha soo socda oo kala ah :

In ay u magacaabeen safiir buuxa Somaliland oo Hargaysa saldhigiisu yahay iyo in ay aqoonsadeen ama aqoonsan yihiin Somaliland.

Qoraalka waxa uu leeyahay mudane ra段isal wasaare markii aan la xiriirnay masuuliyiinta ugu sarreysa dawladda Ethiopia gaar ahaan wasaaradeeda arrimaha dibada oo aan taleefan kula xiriiray wasiirka, waxa uu ii soo dhiibay in aan soo gaarsiiyo dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya qodabada soo socda:

1) Hadaanu nahay dawladda Ethiopia mowqifkeena ku saabsan arrimaha Soomaaliya waa mid cad oo aan is badalin.

2) Waxaan taageersanahay dhammaan waxyaabihii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee mudda 2da sano iyo dhaadhaca kasocday magaalada Nairobi.

3) Waxaan aamin sanahay Soomaaliya in ay dawlad leedahay dawladdaasina ay tahay dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

4) 2gkii Bishii November e sanadii 2005ta waxaan la saxiixinay dawladda Soomaaliya heshiis iskaashi ah oo ah Soomaaliya oo hal dawlad ah anigoo ixtiraameyno siyaasadeeda gudaha iyo dibada, diyaarna u ah wada shaqeyn iyo iskaashi diyaar u nahay.

5) Waxaan taageero la garab taagan nahay dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

6) Siyaasada dibada ee dawladda Ethiopia wax isbadal ah kuma imaan, Somaliland ma aqoonsan, mana aqoonsan doono.

Hadalka ra段isal wasaare Geeddi uu ka jeediyay golaha baarlamanka aya ka danbeeyay dalab kasoo baxay golaha baarlamanka oo ku saabsanaa in ra段isal wasaaraha uu jawaab ka bixiyo warar sheegayay in Ethiopia ay safaarad ka furatay magaalada Hargaysa, isla markaana ay danjire usoo magacaabtay maamulka la magac baxay Somaliland.

Kulanka baarlamanka ayaa weli si hab sami leh uga socda xarunta ADC, ayadoo uu shir guddoominayo guddoomiyaha baalramanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


ゥ RSTV 2006. All Rights Reserved