|
Midowga Yurub oo lacag gaareysa $
90 malyuun oo doolar ugu deeqay dowlada federaalkaSoomaaliya.
Midowga Yurub ayaa isku raacay in dawladda Soomaaliya loogu deeqo 70
milyan oo Eero oo u dhiganta 89 milyan oo doolar sida lagu sheegay qoraal ay
soo saareen midowga Yurub maalintii jimcaha.
Lacagtan ay bixiyeen midowga Yurub ayaa lagu xoojinaya nabad iyo
xasliooni ka dhalata dalka Soomaaliya iyo waliba maamul wanaaga, waxaana
sidoo kale lacagahaasi wax lagaga qaban doona barnaamijyo la xiriira
arrimaha bulshada iyo waliba dhibaatada dhinaca abaaraha ee kataagan dalka.
Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ugu saboolsan adduunka, ayada oo 43.2
% shacabka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin in ka yar 1 doolar maalintiiba,
halka heerka geerida caruurta yar uu gaaray qiyaastii 22 %.
"midowga Yurub marnaba ma aynan cidleyn dalka Soomaaliya 15kii sanadood
ee laga soo gudbay, go’aankan waxa uu qeyb ka yahay dadaalada midowga Yurub
uu ugu jiro sidii uu gacan uga gaysan lahaa dib u dhiska dalka" ayuu yiri
Loius Micheal oo midowga Yurub u qaabilsan horumarinta iyo gar gaarka bini
aadanimada.
Qorshaha gargaarka midowga Yurub ee la magac baxay barnaamijka saacidaada
Soomaaliya ayaa u ogalaanay dalka Soomaliya in si deg deg ah lagaga caawiyo
maamul wanaaga iyo ammaanka, ayada sidoo kale xooga la saari doono
horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, biyaha, nadaafada,
horumarinta miyiga iyo waliba ammaanka cunnada.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |