|
Dhaawacyo cusub oo dagaalka
Muqdisho kusoo waxyeeloobay oo maanta lagula tacaalayo cusbitaalada Muqdisho.
Maalintii 6-aad ayaa waxaa si aan kala go' lahayn cusbitaalada waa weyn
ee magaalada Muqdisho loogu wadaa daweynta dadka kusoo dhaawacmaya dagaalada
ku dhex maraya ciidamada maxkamadaha islaamiga gobolka Banaadir iyo
maleeshiyooyinka la dagaalanka argagixisada deegaano katirsan degmooyinka
Yaaqshid iyo Kaaraan.
Cusbitaalka Madiina oo ka mid ah cusbitaalada sida weyn loogu daryeelo
dadka kusoo waxyeeloobay dagaalada Muqdisho ayaa tan iyo saaka waxaa la
gaarsiiyey dad kor u dhaafaya 15 ruux kuwaasi oo kusoo dhaawacmay dagaalka
sida aan kala go'a lahayn maalintii lixaad uga soconaya xaafado ku yaalla
dhinaca woqooyi ee Muqdisho.
Sheekh Doono Salaad Cilmi oo ah agaasimaha cusbitaalka Madiina ee
magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaawacyada maanta lasoo gaarsiiyey
cusbitaalkaasi ay kor u dhaafayaan 15 ruux isla markaana ay qabaan dhaawacyo
kala gedisan oo iska meel dhexaad ah,isagoo sheegay in haatan cusbitaalka uu
la ciirciirayo dhaawacyada.
Cusbitaalka Madiina oo ay yaalaan in ka badan 100 ruux oo dhaawacyo kala
duwan qaba ayaa dhaawacyada yaala waxaa ka mid ah 15 caruur oo da'doodu ay u
dhaxeyso 6 bilood illaa 6 sano jir .
Mar maanta aan booqanay cusbitaalkaasi ayaa waxaan kula soo kulannay dad
aad u faro badan oo buux dhaafiyey cusbitaalka kuwaasi oo u yimid booqashada
eheladooda ku waxyeeloobay dagaalada Muqdisho,waxaana dadkan qaar ka mid ah
oo aan la kulannay ay sheegeen in ay ugu baaqayaan dhinacyada is haya in
dagaalka ay joojiyaan isla markaana khilaafoodka ay wada hadal ku
dhamaystaan .
Si kastaba ha ahaatee waxaa marba marka kasii danbeyso sii kordhaya dadka
ay waxyeeladu kasoo gaareyso dagaalka xaafada Siisii ka soconayo maadaama
aysan muuqan wax ifafaalo ah oo muujinayo in dagaalka uu joogsanayo.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |