Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowladda federaalka oo si weyn u ugu amaantay wasiirka Hormarinta dalka Ingiriiska booqashadii uu ku yimid magaalada Baydhabo.

Dowladda FKMG ee Somaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay booqashadii dhawaan uu ku kala bixiyay wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Britain Hilary Benn deegaano ku yaala dalka Somaliya.

Dowladda Federaalka aya shaacisay in booqashadii uu maalintii Arbacada uu Mr Benn ku yimid magaalada Baydhabo ay muujineysay sida dowladda Britain ay uga go'tahay taageridda dowladda Federaalka isla markaana waxa ay dowladdu sheegtay in dowladda Britain ay tahay in ay ka dhaadhiciso quwadaha kale ee caalamka sidii ay u garab istaagi lahaayeen dowladda.

Afahyeenka dowladda FKMG ee Somaliya C/Raxmaan Diinaari ayaa shaaca ka qaaday in booqashada Mr Benn ay muujineyso sida ay niyad wanaagsan dowladda Britain ugu heyso shacbiga iyo dowladda Somaliya,isagoo hoosta ka xariiqay in ay talaabadaasio mudan tahay in dalalka kale ee caalamka ay kaga daydaan dalka Britain.

Afhayeenka dowladda waxaa uu tibaaxay in Mr Benn oo booqanaya gobolka Geeska Africa kulamo magaalada Baydhabo uu kula qaatay madaxweynha dowladda C/laahi Yusuf iyo R/Wasaare Geedi,halkaasi uu balan qaad ugu bixiyay in dalkiisu uu taageerayo dowladda Somaliya.

''Markii uu Baydhabo yimd Mr Benn waxaa uu la kulmay madaxweynha iyo R/wasaaraha waxaana uu u balan qaaday in dalka Britain uu gargaar u fidinayo dowladda Federaalka,isla markaana waxaa uu balan qaaday in dalkiisa uu qeyb ka qaadan doono dib u dhiska waaxihi dowladda iyo howlaaha garagarka banii aadminimada'' ayuu yiri afhayeenka dowladda C/Raxmaan Diinaari.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho

 

Xigasho:ReliefWeb.net.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved