|
Dagaalo dad badan ay ku dhinteen
oo ka qarxay koonfurta Muqdisho.
Dagaalo xoogan ayaa waxaa ay ka qarxeen meelo kala duwan oo katirsan
magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somaliya,iyadoo dagaaladaasina ay u
dhexeeyaan maleeshiyaadka maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Isbaheysiga la
dagaalama Argagixisada.
Dagaalkii u qaraaraa ayaa saakay waxaa uu ka qarxay agagaarka KM5 ilaa
No4 iyadoo halkaasi laga maqalayay rasaasta cul culus iyo madaafiic waaweyn
oo dagaalka la isu adeegasanayay.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu kadanbeeyay markii maleeshiyaadka
Isbaheysiga la dagaalanka Argagixsada ay weerareen fariisimo meelo kala
duwan ay ku leeyihiin ciidamada Maxkamadaha oo ku yaala deegaanada Taleex
ilaa KM5.
Waxaa dadka deegaankaasi ay bilaabeen in ay kasoo qaxeen gurayahaoosa
iyadoo dagaalku uu sii xoogeystay maanta barqadii kadib amrkii sida ay
sheegayaan warar lagu kalsoonyahay labada dhinac ay soo kala gaareen gurmad
dagaal.
Waxaa maleeshiyaadka Isbaheysiga oo ay taageerayaan gawaarida dagaalak oo
kor u dhaafeysa 50 ay saakay weerar culus ku kadiyeen Maxkamadda Al Furqaan
ee ku dhow Tarbuunka,iyadoo halkaasi dagaal saacado qaatay uu ka soconayay.
Ugu yaraan waxaa warar lagu kasloonyahay ay sheegayaan in dagaalka ay ku
nafwaayeen 25 qof oo rayid ah,kuwaasi oo ku nafwaayay hoobiyayaal habow ah
oo kusoo dhacay goobo ganacsi oo ku yaalla xaafaddaha KPP,Taleex iyo Zoobe
ee KM5.
Cusbitaalka Madiina ayaa tan iyo markii maanta dagaalada ay dhacen waxaa
la dhigay 60 qof oo rayid ah oo soo dhaawacmay ,ayadoo cusbitaalka naftiisa
la sheegayo inuu ku dhintay hal ruux 2 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib
markii hoobiye habow ah uu kusoo dhacay.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |