|
Dagaal Culus oo maanta ka qarxay
deeganka Galgalato ee woqooyi bari Muqdisho.
Rasaata nuucyadeeda kala duawan ayaa maanta waxaa ay iska qabsatay
deegaanada woqooyi iyo kooofur ee maagalada muqdisho,kadib markii ay afarah
is saareen maleeshiyaadka maxkamadaha iyo kuwa Isbaheysiga oo maalmihii
lasoo dhaafay lagu kala hayay magaalada Muqdisho.
Sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka Habar Gaalo
ee Xaliima hiite oo ku dhaw Galgalto,waxaa maleeshiyaad ka kala amar qaata
wasiirka ganacsiga Xaaji Muuse iyo guddoomiyaha maamulka Siyaasadda gobolka
sh/Dhexe ay weerar ku qaadeen fariisimihii dhawaan halkaasi ay ka asmeysteen
ciidamo ka amar qaata ganacasade Xaaji abuukar cadaan oo xiriir la leh
Maxkamadaha Muqdisho.
Madaafiicda waaweyn ayaa la isu adeegsanay dagaalka iyadoo ilaa haatn aan
la xaqiijin karin qaasaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay,hayeeshee dad
iyaga kasoo qaxay goobta dagaalka oo aan kula kulmay mid kamid ah isgoysyada
magaalada Muqdisho ayaa axqiijiyay in ay jireen madaafic habow ah oo kusoo
dhacady guryo dad rayid ah ay deganaayeen.
Deegaanka galgalato ayaa waxaa la xusuutaa in bishii march 22-keedii
dagaalo xoogan uu ku dhex maray maleeshiyaadka Maxaakiimta iyo kuwa
Isbaheysiga iyadoo halkaasi Iasbaheysiga looga qabsaday dhul uu ku jiro
agroon diyaarad iyo saanadi milatari oo loosoo bandhigay xilligaasi
saxaafadda magaalada Muqdisho.
Waxaa layaab leh waxa isku soo beegay in dagaalo hal mar ay ka kala
qarxaan koofur iyo woqooyi Muqdisho,xilli dagalkii Sii Sii isagana sidiisii
uu u taaganyahay.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |