Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dagaal maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha ayadoo dagaalkaasi lagu dilay sarkaal sare oo isbahaysiga ka tirsan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhexeeyay Maxlamadaga islaamiga iyo kuwa Wasiirka dhaqanc celinta iyo hub ka dhigista Bootaan Ciise Caalin oo xubin ka ah Isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada.


Dagaalkan oo ayaa waxaa la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka darandooriga u dhaca iyo qoryaha lidka dayuurdaha ee dagaalka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegay in lagu qabsadey 7 ka mid ah gaadiidka dagaalka ee uu iska leeyahay Bootaan Ciise halka sidoo kale gacanta ay ku dhigeen maleeshiyaadka Maxkamaduhu Garaash weyn oo uu deegaankaasi ku lahaa Wasiirka dhaqancelinta DFKMG ah Bootaan Ciise Caalin iyo xeradii ciidamada ee Maslax.

Dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 6 qof oo 5 ka mid ah ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka isbahaysiga 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen, ayada oo xaaladana iminka ay caadi ku soo noqotay deegaanadaasi.

C/qaadir Ciise oo lagu naaneeso AANAN YEELEYN oo ah sarkaalka ugu sarreeyay maleeshiyaadka wasiirka dhaqan celinta iyo tawabarka maleeshiyaadka Bootaan Ciise Caalin ayaa saakay ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha ee u dhaxeeyay maleeshiyaadka maxkamadaha iyo kuwa isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Sarkaalkan ayaa lagu sheegay in uu ahaa ninka madaxda uga ahaa wasiirka maleeshiyaadkiisa ku sugan Suuqa Xoolaha, taasi oo niyad xumo ku beertay maleeshiyaadkii wasiirka ee ka dagaalamayay deegaanka Suuqa Xoolaha.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved