Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota oo walaa ka muujiyey dagaalada Muqdisho ka dhacaya.

Dadka Somalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxa walaac xoogan ay ka muujiyeen dagfalada sokeeye ee ku baahaya gudaha dalka Somaliya,iyagoo wal wal ka muujiyay waraka sheegay in dowladda Mareykanka ay ku lug laheyd dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Abdi Sh.Cusmaan oo katirasn machad la yiraahdo Somali-American Legal ayaa shaac ka qaaday in bulshada ku dhaqan magaalada Minneapolis ay ka walaacsan yihiin dagaalo sokeeye oo mar kale si buuxa uga qarxa dalka Somaliya,Abdi Sh.Cusmaan waxaa uu yir''Bulshada halkaan aad bay uga wal walsantahay in qalalaasooyinka habakasi oo kale ay dib ugu soo laabtaan Somaliya,dadka aad bey uga argagaxsan yihiin hadda sidii sanadihii hore ,waxa ay ka walaacsan yihiin dagaalo sokeeya oo soo laabta''.

Sidoo kale Zainab Hasan oo kamid ah aqooniyahanada Somalida ah ee magaalada Minneapolis waxaa shalay uu u sheegay Shabakad laga leeyahay dalka Mareykanka in wax aad looga xumaado ay tahay Mareykanka in uu ku lug lahaado arrimha ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho.

Waxaa aqooniyahankaasi uu tibaaxay haddii taasi ay jirto in ay tahay fikrad aad u xun oo lagu xumaado niyad jabna ku ah shacbiga Somaliyeed ee mudada 16-ka sano dhibaatad ku jiray.

Ra'yi uruurin ay ka asmeysay gobolka Minnesota shabakadda WWCCO ayaa waxaa ay ku sheegtay gobolka Minnesota oo Somalida inta badan ay degto ay aaminsanyihiin in dalkooda uu dagalo sokeeye qarka u saaran yahay.

Cumar Saxar Diid oo kamid ah urur lagu saldhgiisu uu yahay magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Xiriirka Dimoqaardiga ah ee Somalida iyo mareykanka ayaa sheegay in uusan la yaabaneyn dhibaatooyinka ay geysanayaan dagaal oogayasha ,iyo dowlrka dowladda Federaalka,iyo taageerada la sheegayo in Mareykanka uu siiyo dad ku sugan Somaliya.

Waxaa uu intaasi raaciyay in dalka Somaliya lo baahnaa beesha caalamka hadii ay danbeyso nabadda caalamka in mar hore Somaliya wax laga qabto,isla markaana xaaladeeda wax lag soo qaado.

''Kuwa sheeganaya in ay kaoo horjeedaan Argagixisada ee Muqdisho iyagaa Argagixiso ah,kuwa iyana sheeganaya in ay u dagaalamayaan shareecada Islaamka wax ay shareecada u dagaalamayaan ma jirto'' ayuu sheegay Saxr Diid oo intaasi raaciyay in xitaa kalsooni aysan ku qabin dowladda FKMG ee Somaliya.

Waxaa Cumar Saxar Diid uu hadalkiisa kusoo gab gabeeyay in looga fadhiyo Caalamka in kuwa dagaalada ka hurinaya Somaliya ay maalin uun soo hortaagaan maxkamadda danbiyada Caalamiga ah ee Hague.

Xigasho: WWCCO.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved