Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kumanaan qof oo taageeraya maxkamadaha oo maanta dibad bax ballaaran ka dhigay xaafada Suuqa Xoolaha.

Dadweyne kumanaan gaarayay ayaa maanta isugu soo baxay deegaanka Suuqa Xoolaha ilaa deegaanka Darmoole, halkaasi oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidanka maxkamadaha islaamiga oo saakay halkaasi ku qabsaday qadar daqiiqado ah, taasi oo ah guul weyn oo Alle uu ku manadeystay umadda islaamka ah.

Dadweynihii maanta isugu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo lagu canbaareynayo isbahaysiga isku sheega argagixiso la dirirka, isla markaana lagu taageerayay maxkmadaha islaamiga ee ka xoreeyay deegaankaasi mooryaantii xooga ku haysatay.

Jawi deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa aad u kacsanaa dadka wadooyinka maraya waxa ay ka sheekeynayaan guusha Alle uu gaarsiiyay maxkamadaha islaamiga iyo dhibaatadii ragaasi ay ku hayeen deegaanka.

Dumarka, caruurta dadka da’da ah waxa ay dhamaantood ku faraxsanaayeen guusha maxkamadaha waxa ayna isugu hambelyeynayeen jabka lagu dhigay maleeshiyaadka isbahaysiga, waxaana lagu arkayay inta u dhaxeysa deegaanka Sos ilaa deegaanka Darmoole dadweyne aad u fara badan oo u soo daawasho tagay guusha maxkamadaha islaamiga.

Ciidanka maxkamadaha islaamiga ayaa lagu arkayaa deegaanka suuqa Xoolaha ilaa deegaanka Darmoole ayaga oo sugaya ammaanka deegaanadaasi.

Shabakada wararka wwww oo maanta si weyn ugu kuur gashay dhaq dhaqaaqyada ciidanka maxkamadaha islaamiga ayaa halkaasi waxa ay ka soo qaaday sawiro ka turjumaya goobta dagaalka iyo jawiga deegaanka.

Dhaq dhaqaaqa ganacsiga ayaa maanta xirnaa deegaanka Suuqa Xoolaha, ayada inta badan dadka ay ku mashquul sanaayeen is gacan qaad iyo is bogaadin.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved