|
Bootaan Ciise oo sheegay in sida
ugu dhaqsiyaha badan uu dib ugu soo laabanayo goobihii lagala wareegay
isagoo ku hanjabay guluf colaadeed oo ka dhan ah ciidanka Maxaakiimta.
C/laahi Smatar Axmed Guure oo ah xogheynta wasiirka hub ka dhigista iyo
tababarka maleeshiyaadka Bootaan Ciise Caalin ayaa markii ugu horeyasay ka
hadlay dagaalkii shalay midwoga Maxaakiimta Islaamiga ay kaag qabsadeen
fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
C/laahi Samatar ayaa ku hanjabay in ay dhwaan weerar kusoo qaadi doonaan
fariisimaha l;aga qabsaday waxaana uu beeniyay in ay dagaalkii shalay si
rasmi ah ugu jabeen,isagoo sheegay in haatan ay kusoo jeedaan Suuqa Xoolaha.
''Anaga hadda waxaan joognaa Darmooley waana la ogyhaay Suuqa Xoolaha iyo
darmooley inta ay uisku jiraan,waxaan hadda ksuoo jeednaa deegaanadii nagala
qabsaday'' ayuu yiri Samatar.
Samatar oo wax laga weydiiyay taageerada shalay ay dad weyne katirsan
dadka deegaanka ugu muujiyeen banaanbax ay dhigeen Midowga Maxaakiimta in uu
aha mid alsoo abaabulay,waxaana uu sheegay in dadkii banaan baaxy ay
ahaayeen kuwo laagsoo aruuriyay Masjidka Sh.Suufi oo ay ku badan yihiin
taageerayaasha Maxaakiimta Muqdisho.
Waxaa xogheyntaasi uu ku eedeeyay ciidamada Midowga Maxaakiimta Islamiga
ah in markii shalay halkaasi ay qabteen ay ka geysteen xadgudubyo ak dhan ah
banii'aadminimada,isagoo sheegay in ay u dhaceen gurayaha qaarkood,isla
markaana ay garaaceen wadaado uu sheegay in ay ahaayeen Ahlu Dariiqu kuwaasi
uu sheegay in ay ku qasbayeen fikradahooda.
Hayeeshee ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta hadalada uu sheegay
xogheynta wasiirka hub ka dhigista iyo tababarka Maleeshiyaadka Samatar ee
ku aadan arrimahaasi.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |