Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Bashiir Raage oo sheegay in dagaalka ay sii wadayaan inta shisheeye uu dalka ku suganyahay.

Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ah xubnihii aas aasay isbaheysiga Argagixisop la dirirka ee dhawaan daagalada xoogan la galay midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaladii ugu danbeeyay ee dhawaan mar kale Muqdisho ka dhacay kuwaasi oo intooda badan looga awood roonaday ciidanka Isbaheysiga.

Ganacsade Bashiir Raage waxaa uu qirtay in qasaare xoog leh ay kasoo gaareen dagaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdiosho,balse waxaa uu tibaaxay in dhamaan dadka ka geeriyooday Somalida ay aad uga xun yihiin labada dhinacba waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in shisheeyahay waxa uu ugu yeeray ay isaga baxaan dalka Somaliya.

''Anaga ma ogolaneyno in shisheye meel dheer ka yimi uu dalkeena qarbudaad ka geysto,war nimanka waa niman dalakaasi ilaa Ciraq ka yimid,anaga ma ogolaaneyno intaan nool nahay in Argagixiso ay dalkeena hooy ka dhigato'' ayuu sheegay bashiir Raage oo ay ka muuqatay niyad jab ku aadan meel marinta shaqada ay hayaan oo ah soo qab qabashada xubno katirsan AlQaacida oo ku sugan magaalada Muqdisho sida ay ku warameen sirdoonada reer Galbeedka.

Ganacsade Bashiir Raage oo dhawaan aan hadal siinin saxaafadda aya mar wax laag weydiiyay cidda masuulka ka ah dhibaatooyinka dadka rayidka ah kasoo gaaraya dagalad uu sheegay in ay masuul ka yihiin kuwa shihseeyaha dalkas oo galiyay ee ilaa haatan gabaad ku siinaya magaalada Muqdisho.

Waxaa intaasi uu raciyay Shiiraar in dagaalka la joojin doonin tan iyo inta Al Qaacidda xubno katirsan ay Somaliya joogaan,waxaana uu sheegay in haddii iayga laga guuleysdto ay beesha Caalamka u taalo qataraha ka imaan karta dalka Somaliya.

Waxaa Bashiir Raage uu ugu danbeyn ku baaqay in la joojiyo dagaalada mqudisho,isla markaana dadka somalida aysan u dhamaan dad shisheeye ah aawadood isagoo ku baaqay shisheeye meshii Somaliya uu ka joogo in dalka uu isaga baxo.

Waxaa Bashiir Raage uu ku cel celiyay in Somali dhex dhedeeda aysan colaad isku qabin balse iyaga ay kaliya ksaoo horjeedaan waxa ay ku tilmaamaan Argagixisada ku dhuumaleysaneysa gudha dalka Somaliya.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved