|
Barre Hiiraale iyo wafdi uu
hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta DFKMG ah ee
Soomaaliya.
Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada federaaka soomaaliya Col.
Barre Hiiraale iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada baydhabo.
Wafdigaan oo uu hogaaminayay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta
Dowlada federaalka soomaaliya Col. Barrre Aadan Shire (Barre Hiiraale)ayaa
waxaa si wayn garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo ugu soo dhaweeyay
Qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowlada federaalka soomaaliya ee
halkaasi ku sugan.
Barre Hiiraale ayaa waxaa uu ka mid ahaa hogaamiyayaasha hubaysan ee
aanan wali ka qayb galin kulanka baarlamanka federaalka soomaaliya ee ka
socanaya magaalada baydhabo, isla markaana ka mid ahaa wasiiradii looga
yeeray magaalada baydhabo in ay mudo 7cisha ah ku yimaadaan magaaladaasi.
Si kastaba ha ahaatee wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada
federaalka soomaaliya Col. Barre Hiiraale tagitaankiisa magaalada baydhabo
ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili mudo 7 maalmood oo kale loo qabtay
Xubnaha wasiirada ah ee ku sugan magaalada muqdisho isla markaana ka qayb
qaadanaya dagaalada wali ka socanaya caasimada soomaaliya ee muqdisho.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |