|
Dowlada federaalka oo taageertay
dadaalada lagu joojinayo colaada Muqdisho ka aloosan.
Wasiirka din u heeshiisiinta dowladda ku meel gaarka ah Sheekh Aadan
Madheer ayaa waxaa uu sheegay isagoo jooga magaalada baydhabo in ay
taageerayaan howlaha nabada ay wadaan odoyaasha dhaqanka. Iyo siyaasiyiinta
beesha mudulood ayna ku doonayaan dagaalka inla joojiyo.
Sheekh Aadan Maddeer ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradisa ay ay guddi
odoyaal oo gaaraya ilaa 20 odoyaal ay ka qayb qaadan doonan howlaha
magaalada muqdisho ka socda waxaana uu sheegay in golaha wasiirada iyo
baarlamaanka uu hor dhigay gudigaan odoyaasha ah in ay ka qayb qaataan
daalada ka socda magaalada muqdisho.
Sheekh Aadan madder ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan aanan loo baahnayn
in dagaalo ay ka dhacaan magaalada muqdisho xili la doonayo in loo gudbo
dhinicii nabada ay wasaaradiisu ay ku howlan tahay uuna dagaaladaa ku
tilmaamay in nasiib xumo ah.
Wasaarada dib u heeshiisiinta dowlada ku meel gaarka ah ayaa waxaa ay
tahay wasarada ka kaliya ee ku howlan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa
dalka soomaaliya oo dhan.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |