|
Dowlada Masar oo ku baaqday in la
joojiyo dagaalka ka soconaya magaalada Muqdisho.
Dawladda Masar ayaa ugu baaqday qeybaha ku dagaalamaya caasimada Muqdisho
in ay joojiyaan dagaalka, isla markaana ay u turaan dadka rayidka ah.
Wasiirka arrimaha dibada ee wadanka Masar Axmed Abu Geyt ayaa bayaan
kasoo saaray dagaalada kasocda magaalada Muqdisho, isaga oo ku guugaabiyay
labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka, miiska wadahadalkana ay soo wada
fariistaan si xal looga gaaro dagaalka galay maalintii 8aad ee kasocda
deegaano ka tirsan magaalada.
Wasiirka waxa uu sidoo kale ku booriyay dawladda Soomaaliya in ay
hiigsato tallaabo lagu soo afjarayo khilaafka kala dhexeeya wasiirada
dagaalka kawada caasimada si dalka nidaam iyo kala danbeyn loogu soo celiyo.
Baaqan waxa uu kusoo beegmayaa xilli baaqyadii horay loogu jeediyay aysan
dheg shaq u siin labada dhinac, ayada oo dagaalkaasi uu galay maalintii
8aad.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |