|
Jaamac Maxamed Qaalib oo ka hor yimid in ciidamo shisheeya dalka la keeno
isagoo ku tilmaamay kulanka New York ka dahcaya mid shirqool shacabaka loogu
maleegayo. Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka tirsan saraakiishii
hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu uga soo
horjeedo ciidamo shisheeye ah in la keeno dalka Soomaaliya, isaga oo xusay
in aysan jirin baahi iminka loo qabo in ciidamo shisheeye la keeno dalka
Soomaaliya.
Jenaraal Qaalib oo ah siyaasi rugcadaa ah ayaa tibaaxay in ciidamo
shisheeye ah aysan dawo u ahayn xaalada murugsan ee Soomaaliya, isaga oo
carabka ku dhuftay in madaxweynaha uusan ku kalsooneyn umadda Sooamaliyeed,
balse uu ku kalsoon yahay ciidamo Ethiopian ah.
Jenaraal Jaamac ayaa uga digay golaha baarlamanka ansixinta keenista
ciidamo shisheeye ah, taasi oo uu tilmaamay in cawaaqib xumo ku reebi doonto
dawladda Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyay jenaraalka sida uu u arko shirka ka dhacaya
magaalada New York ee uu abaabulayo mareykanka ayaa sheegay in shirkaasi uu
yahay mid lagu maleegayo shirqool ka dhan ah umadda Soomaaliyeed, maadaama
wadamada laga casuumay shirkaasi in aysan ku jirin hal wadan oo islaam ah.
Janaraalka ayaa xaqiijiyay in shirkaasi uu ka danbeeyay guul darradii
lagu dhigay qab qablayaashii uu taageeri jiray Mareykanka oo laga saaray
magaalada Muqdisho.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
© RSTV 2006. All Rights Reserved |