Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wadamada IGAD oo ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan dowladda FKMG ee Somaliya.

Urur goboleedka IGAD oo uu hatan guddoomiyo madaxwenaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa codsi ugu jeediyay beesha Caalamka in ay taageerto dowladda FKMG ee Somaliya si ay wax uga qabato dhibaatooyinka mudada ka jira dalka Somaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Kibaki ayaa waxaa baaq loogu jeediyay dowladda Mareykanka oo lagu eedeeyo in ay lug ku leedahay dagaalada ka socda caasimadda Somaliya ee Muqdisho iyo beesha Caalmka in ay ku garab istaagaan dowladda Federaalka sidii ay dib ugu soo ceshan laheyd maamulkii iyo kala danbeytii dalk uu lahaa si dalka Somaliya mar kale cadi uu ugu soo noqdo.

Madxweyne Kibaki waxaa hoosta uu ka xariiqay in looga fadhiyo beesha Caalamka in ay Somaliya u fidiso gargaar maaliyadeed si taasi ay u horseedo in ay dib u dhisto laamihii muhiimka ahaa ee dowladda sida Xeer ilaalinta,Ciidamada,Police-ka iyo waaxaha Imaagareshanka.

Qoraal saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dalka Kenya ayaa lagu yiri'' Madaxweynha Kenya mar kale waxaa uu xaqiijinayaa sida dalkiisa ay kaga go'antahay nbad kama danbeys ah oo laga abuuro wadanka ku yaala geeska Africa,isagoo sheegaya in guddoomiyaha IGAD ee xilligan oo isaga ah uu u shaqen doono si aan daal laheyn in miro dhal wanaagsan ay noqdaan dadaalada nabadeed ee laga raadinayo dalka Somaliya''.

Madaxwenye Kibkaki aaya hadaladaasi waxaa uu ka sheegay kulan magaalada Nairobi uu kula qaatay masuulka washington u qaabilsan arrimaha la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisad Henry Crumpton.

Henry Crumpton oo kulankaasi uu ku wehliyay safiirka Mareykanka ee Nairobi William Bellamy ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka cayaartay dowrkii looga baahnaa ee nabad ksuoo dabaalidda Somaliya,isagoo cadeeyay talaabadii dowladda Kenya ay tababarka dalkeega uga furto ciidamo Somali ah ay acdeyneyso sida ay Kenya uga go'antahay nabad kusoo dabaalidda Somaliya.

Madxweyne Kibkai iyo amsuuliyiinta Mareykanka ayaa si wda jir ah waxa ay balan qaadeen in ay ka hortagi doonaan qataraha ka imaana karta Argagixiso ku sugan dalka Somaliya.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved