|
Bare Hiiraale oo maanta shir
jaraa’id uu kaga warbixinayey safar uu Nairobi ku tagay ku qabtay Kismayo.
Wasiiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dawladda fedaraalka kmg ah ee
Soomaaliya Barre Aadan Shire ayaa maanta ka shanqariyay in madaxweyne C/llaahi
Yuusuf uu ogalaaday maamul goboleed la magac baxay Jubba Land in loo sameeyo
gobollada jubbooyinka, kadib kulankii ay ku yeeshen magaalada Nairobi ee
dalka Kenya.
Barre Hiiraale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa Baranwaa ee
magaalada Kismaayo ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay sidoo kale kala
hadleen dhamaystirka dib u heshiisiinta dawladda iyo waliba sidii dawladda
loogu fidin lahaa gobollada dalka.
Guddoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba ayaa kaga hadlay shirkiisa
jaraa’id kulamadii uu la qaatay wakiilada hay’adaha gar gaarka oo ay isla
gorfeeyeen sidii hay’adahaasi dib ugu soo laaban lahaayeen magaalada
Kismaayo, waxa uuna xusay in dhinac kasto uu soo gudbiyay waxyaabaha uu ka
tabanayo dhanka kale waa isbahasyiga iyo hay’adaha QM.
Barre Hiiraale waxa uu sidoo kale sheegay in uu kulan la qaatay jaaliyada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi iyo waliba safiiro shisheeye ah
oo ay ku jiraan safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey iyo
safiirka dalka Talyaaniga Mario Rafa’elli, waxa ayna ka wada hadleen sidii
loo dar dar gelin lahaa hawlaha dawladda iyo waliba sidii beesha caalamka ay
uga taageeri lahayd dawladda fedaraalka in ay maamulkeeda ay ku fidiso guud
ahaan gobollada dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii wasiirka ayaa ku guubaabiyay reer Kismaayo in ay ka
shaqeeyaan nabadda, isla markaana ay dhawraan kala danbeynta si magaaladooda
ay u noqoto meel ay kusoo dhiiradaan hay’ada gar gaarka ee QM.
Maaxmed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |