|
Madaxweynaha kmg ah ee Soomaaliya oo Sudan u dhoofay.
Madaxweynaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed
iyop wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Jowhar ee
xarunta dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya isagoo ku wajahan magaalada
Khartum ee xarunta wadanka Sudan halkaasi oo uu kaga qeyb galayo kulanka
madaxda ururka midowga afrika.
wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ay ku hakanayaan sida wararka ay
sheegayaan magaalada nairobi halkaasi oo ay kulamo kula qaadan doonaan
gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa magaalada Khartum kaga
horeyey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil waxaana
la filayaa in madaxweynaha uu kulanka midowga afrika uu hor dhigi in
Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta ciidan nabada sugana loo soo diro.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|