Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo wadanka Kuweyt u duulay isagoo uga sii gudbi doonaa magaalada Khartum ee xarunta wadanka Sudan.

Madaxweynaha wadanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaaladsa Nairobi ee xarunta wadanaka Kenya.

war laga soo saaray aqal madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay u dhaqaaqeen dhanka wadanka Kuweyt halkaasi oo ay tacsi u geyn doonaan xukuumada Kuweyt oo weysay amiirkeedi hore ee Shekh Jabir Axmed Alsabax kaasi oo shalay geeriyooday.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in tacsidaasi ka dib ay u baqoolaan magaalada Khatrum ee xarunta wadanka Sudan halkaasi oo la sheegay in ay kaga qeyb galayaan kulanka madaxda afrika .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Khartum ku sugnaanaya 22-23-ka bishan ,waxaana inta Khartum ay joogaan ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda afrikan ah .

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa madaxda reer Afrika ee ka qeyb galaysa kulanka Khartum u bandhiga xaalada Soomaaliya ay ku sugantahay iyo sida loogu baahida qabo ciidamo afrikan oo hubka ka dhiga maleeshiyaadka hubeysan.

Maxamed Cadde..

RSTV,Muqdisho.