Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka warfaafinta Yuganda oo Baydhabo kula kulmay madaxda sar sare ee xukuumada kmg ah.

Madaxweynaha dowlada kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Baydhabo ee xarunta dowlada federaalka ra’isalwasaare ku xigeenka Uganda ahna wasiirka warfaafinta kaasi oo haatan magaalada Baydhabo booqasho ku jooga.

Kulanka madaxweynaha iyo ra’isalwasaare ku xigeenka Uganda dhex maray oo albaabada ay u laabnaayeen ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan,ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi xayir Maareeya,waxaana kulankaasi looga hadlay sida ilo ku dhowdhow ay sheegayaan qorshaha amaanka qaranka ee dhawaan golaha baarlamaanka uu meel mariyey kaasi oo ogolaanaya in ciidamo ka socda Uganda iyo Sudan ay dalka yimaadaan.

Wasiirka warfaafinta Uganda ayaa madaxda dowlada kmg ah u gudbiyey dhanbaal salaan ah oo uu ka siday madaxda dalka Uganda Yuweri Museveni.

Dhinaca kale wafdi ka socda midowga yurub ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo kuwaasi oo kulan la qaatay madaxda ugu sareysa ee dowlada federaalka ayagoo kala hadlay sidii loo dhisi lahaa hay’adaha muhiimka u ah dowlada.

Wafdigan ayaa kulankaasi ka dib waxa ay booqasho ku tageen goobo badan oo magaalada Baydhabo ku yaalla sida saldhiga booliska,xarunta gobolka,waaxda taliska booliska,warshadii hore ee Oomada ee Xasey iyo Barkii hore ee Bakiin oo iminka noqday goob Hotel ah.

Wafdigan midowga Yurub ka socda oo ka koobnaa 6 xubnood ayaa ujeedka socdaalkooda waxaa uu ahaa mid ay fariisin kaga samaysanayaan magaalada Baydhabo oo haatan fariisin kmg ah u ah dowlada federaalka.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved