Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shariif Xasan iyo Geedi oo maanta magaalada Baydhabo dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Somaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay xarunta dowladda ee Baydhabo kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tagay deegaano hoos yimada maamul goboleedka Puntland.

Guddoomiye shariif ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo iyadoo soo dhaweyntiis ay ka qeb qaateen xubno katirsan baarlamanka dowladda federaalka ee ku sugan maagalada Baydhabo,iyo waliba masuuliyiin katirsan maamulka dhawaan laga dhisay gobolka Baay.

Guddoomiyaha Baarlamanka shariif Xasan ayaa sakay kasoo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkasi uu kulamo kual soo qaatay madax katirsam maamul goboleedka Puntland.

Socdaalka guddoomiyaha baarlamanka ayaa ka danbeeyay khilaaf soo kala dhex gaaly maamul goboleedka Puntland iyo xafiiska R/wasaare Geedi iyadoo haatan la sheegayo in khilaafkasi lasoo af jaray.

Heshiis ka kooban 6 qodob ayaa waxaa Guddoomiyaha uu lasoo saxiixtay maamul goboleedka Puntland,kaasi oo soo afjaraya muranka iyo qilaafka soo kala dhex galay iyaga iyo R/wasaare Geedi.

Waxaana khilaafka uu ku qotamay heshiis maamul goboleedka Puntland uu la saxiixday sharikada Australian ah kuwaasi oo shidaal ka baarayay meelo katirsan goobaha hoos yimaada maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca kale ra'isalwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayagoo kasoo duulay magaalada Nairobi.

Geedi ayaa magaalada Nairobi waxa uu u joogay socdaal caafimaad isagoo halkaasi ku sugnaa muddo dhowr maalmood,waxaana imaatinka Geeddi ee Baydhabo uu kusoo beegmay xili magaaladaasi uu dib ugu soo laabtay afhayeenka baarlamaanka oo maamul goboleedka Puntland u tagay soo afjarida xiisad ka dhex taagnayd Geedi iyo Puntland.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved