Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shaqaalihii Gar Gaarka ee magaalada jowhar oo maanta halkaasi isaga baxay.

Shaqaalaha hay’adaha samafalka ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa isaga cararaya magaaladaasi ayaga oo ka cabsi qaba in dagaalada ka qarxay degmada Balcad ay ku soo fidaan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha gar gaarka ayaa shalay ka dhoofay magaaladaasi kadib markii dagaalo culus ay ka qarxeen degmada Balcad, kaasi oo lagaga itaal roonaaday isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka.

Qebtii ugu danbeysay shaqaalaha gar gaarka ayaa maanta isaga baxaya magaaladaasi, taasi oo lagu macneeyay hogaamiye kooxeedka gobolkaasi xooga ku haysta oo ku jira dagaalka ka soconaya degmada Balcad oo lagu soo jabiyay maleeshiyaadkooda.

Shaqaalaha gar gaarka ayaa walaac ballaaran ka qaba in dagaaladaasi ay u soo tallaabaan magaalada Jowhar oo ah keyd u ah Maxamed Dheere oo ka tirsan isbahaysiga, taasi oo suura gal ka dhigaysa in maxkamadaha ay soo wajahaan magaaladaasi si ay gacanta ugu dhigaan.

Abaabul ciidan oo xoogan ayaa ka socoanya magaalada Jowhar, kaasi oo la xiriira qaabkii maamulka Maxamed Dheere uu u difaacan lahaa magaaladaasi oo u muuqata in ay noqonayso tallaabada xigto oo ay weerarayaan maxkamadaha islaamiga ee magaalada muqdishomarka ay kasoo fara xashaan demgada Balcad oo iminkaba ay ciidamo ka amar qaata maxaakiimta islaamiga ay ku sugan yihiin meel si aad ah ugu muuqata degmada Balcad.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved