Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Midowga Afrika oo mar kale ka dalbaday golaha amaanka qaadista xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xagga Amniga iyo nabadda Midowga Africa Said Dijinit ayaa shaac ka qaaday in xaaladda Amniga Somaliya mar kale laga baqdin qabo in ay faraha kasii baxdo sidaasi darteedna ay dadaal u galayaan sidii ay u cusbooneyn lahaayeen howlaha nabadeed ee Somaliya todobaadyada soo socda.

Masuulkaasi oo kulamo kula qaatay magaalada Adis Ababa wafdi heer sare ah oo ka socday Golaha Ammaanka ayaa intaasi ku daray in Midowga Africa uu mar kale dadaal u galayo in cunaqabatada hubka ee saaran Somaliya la qaado si taasi ay gacan kaga siiso dowladda Federaalka in ay dib usoo celiso amniga iyo xasiloonidii Somaliya.

Masuulka dowladda Koofur Africa u jooga Midowga Africa isla markaana ah afhayenka guddiga Amniga iyo nabad galyada Midowga Africa Basu Saque ayaa sheegay in ay hor dhigeen Wafdiga Golaha Ammaanka codsiga ah in cunaqabatda hubka saaran Somaliya la qaado,si markaasi ciidamo ka socda Midowga Africa y u caga dhigtaan dalka Somaliya oo ay gacan siiyaan dowladda Federaalka KMG e Somaliya.

Madaxda wafdiga ka socday Golaha Ammaanka ee booqabayay Adis Ababa Danjiraha Britishka ah ee Emyr Jones Parry ayaa isagana sheegay in beesha Caalmka au diyaar u tahay in ay taageerto dadaalada IGAD ay ku dooneyso in ay kusoo afjarto dhibaatooyinka ka taagan dalka Somaliya.

''Dhibaatada hadda waxaa ay tahay amni darri Nabad la'aan oo halkaasi ka jirta,mana jiraan ilaa hadda wax heshiis ah oo arrimahasi lagusoo celinayo,sidaasi darteed waxaa loo baahanyahay in la abuuro xaalad ay ciidamo ku tagi karaan halkaasi'' ayuu yiri Danjire Parry.

Waxaa uu intaasi ku daray'' Hadii aan laga fursan in ciidamo ay tagaan Somaliya,waxaa dabcan ay noqoneysaa in ciidankaasi la hubeeyo si howshaasi ay u gutaan,taasi micnahedu waxaa ay noqoneysaa in la qaado cuna qabatada hubka saaran Somaliya''.

Hore ayaa dhowr mar Golaha Ammanka waxaa uu ugu gacan seyray dalab kaasi lamid ah oo Midwoga Africa uu u jeediyay,balse Golaha Ammanka,waxaa uu ku gaabsaday in qaadidda taalabadasi ay sii horseedi karto xaaladda Amniga Somaliya oo faraha ka baxada.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved