|
Sheekh Shariif oo beeniyey
wararka sheegaya inuu iska casilayo xilka uu ka hayo golaha midowga
maxaakiimta.
Gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga ah ee gobolka Banaadir Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixino ay
daabaceen qaar ka mid ah wargaysyada ka soo baxa wadanka U.K ee ku aadanaa
in uu ku tala jiro in uu iska casilo xilkiisa.
Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Gobolka Banaadir Sheekh
Shariif Sheekh Axmed oo maanta Shir Jaraaid ku Qabtay magaalada muqdisho
ayaa waxaa uu ku beeniyay warbixin ay daabaceen qaar ka mid ah wargaysyada
ka soo baxa wadanka Engiriiska ee ku aadanaa in uu damacsan yahay in uu iska
casilo xilka Gudoomiye nimo.
Sheekh Shariif ayaa waxaa uu hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad
toona lahayn isla markaana wargayskii warkaasi daabacay uu u tarjintay
warkii uu isagu siiyay si kale.
‘warkii ay dabaceen qaar ka mid ah wargaysyada ka soo baxa wadanka U.K
waa mid meen abuur ah isla marahaantaana aan sal iyo raad toona lahayn ayuu
yiri Sheekh Shariif oo intaasi ku daray ‘ma garanayo sababaha xiligaani igu
kalifaya in aan xilka aan ka hayo midowga maxaakiimta islaamiga aan isaga
casilo.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga ee
magaalada muqdisho ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay go’aankii dhawaan ka soo
baxay mowlaca Sheekh Muxuyadiin Celi ee ku aadanaa in qaar ka mid ah beelaha
hawiye iyaga oo ku soo gambanaya midow maxaakiimeed ay ku soo duushay
deegaano ay ka taliyaan beesha mudulood isla markaana ay arintaasi ka soo
horjeedaan ayaa waxaa uu sheekh Shariif hadalkaasi ku tilmaamay mid iska
dafiic ah,uusana iminka jaclayn in uu u jawaabo laakiin uu tilmaamay in
dagaalkii ka dhacay magaalada muqdisho uusan ahayn mid qabiil,balse uu ahaa
mid ay isaga soo horjeedeen midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada
muqdisho iyo isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada.
Gudoomiye Sheekh Shariif ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada
midowga maxaakiimta islaamiga ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan nabad
ku soo dabaalida magaalada muqdisho,isagoona tilmaamay maamulka iyo nabada
gobolka ay kala tashan doonaan shacabka ku dhacan muqdisho iyo dowlada
federaalka soomaaliya isla markaana ay ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban
lahaayeen wax ka qabashada amaan darida ee ka jirta magaalada muqdisho.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
© RSTV 2006. All Rights Reserved |