Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hay’ada ICRC oo sheegtay in somaliya ay ka mid tahay wadamada caalamka ee dhiiga faraha badani uu ku daato.

Hay’ada ICRC ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya uu kaalmaha hore uga jiro wadamada colaada ugu ba’an ay ka jirto, kuwaasi oo waxyeelada ugu daran ay kasoo gaarto dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha hay’ada ICRC Jakob Kellenberger oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva, kaasi oo uu ku soo gudbinayay warbixin sanadeedkii hay’ada ee sanada 2005ta ayaa sheegay in dalka Soomaaliya marka la eego wadamada dagaalada ugu daran ay ka socdaan qaarada afrika haddii uusanba aheyn kan ugu xun.

Jakob Kellenberger ayaa intaa ku daray in cusbitaalada hay’ada ay gacanta ku hayso la dhigay tan iyo markii lagu dhawaaqay isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka 1,700 oo qof oo qaba dhaawacyo, kuwaasi oo 1,000 ka mid ah la dhigay cusbitaaladaasi bishii may.

Mir Kellenberger ayaa tilmaamay in aysan muuqan rajo laga qabo soo afjarida dagaalada u dhaxeeya labada dhinac ee isku haya magaalada Muqdisho, taasi oo sii kordheyn karta mashaqada ka taagan dalka Soomaaliya.

Warbixin sanadeedkii hay’ada ICRC ay soo saartay sanadkii laga soo gudbay waxa uu dalka Soomaaliya ka galay kaalinta 11aad ee wadamada colaadu ay ka jirto ee hay’adu ay ka hawl gasho.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved