|
Golaha ammaanka ee Qaramada
Midoobay oo cambaareeyey dagaalada ka ololaya magaalada Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa si kulu u canbaareeyay dagaalada ka soo
cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxa uuna dalbaday in si shuruud la’aan ah
lagu joojiyo dagaaladaasi.
Danjiraha dalka Kongo-da Dimoqaraadiga Pascal Gayama oo iminka dalkiisa
uu hayo madaxtinimada wareega ah ee golaha ammaanka ayaa dhaleeceeyay
dagaalada soo noq noqonaya ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayada oo walaac
ka muujisay dadka rayidka ah ee waxyeeladu kasoo gaarayso dagaalada ka
qarxay Muqdisho.
Goluhu waxa uu ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah dagaalka
lagu joojiyo , waxa uuna ku booriyay dhinacyada diriraya in ay xalilaan
khilaafka u dhaxeeya.
Golaha ammaanka waxa carabka ku dhajiyay in si deg deg ah heshiis looga
gaaro qorshaha ammaanka qaranka iyo xasilinta dalka Soomaaliya, si loo soo
afmeero qalalahaasa ka jira magaalada Muqdisho.
Xubnaha golaha ammaanka ee QM ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya
magaalada Muqdisho in ay qadirayaan xeerarka caalamiga ah si gar gaarka bini
aadanimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan, isla markaana waxyeelada looga
ilaaliyo shaqaalaha gar gaarka.
Golaha ammaanka ee QM ayaa sheegay in ay la soconayaan xaalada magaalada
Muqdisho, ayada oo goluhu uu xusuusiyay wadamada 191ka ee xubnaha ka ah QM
in ay ilaaliyaan xayiraada hubka ee saaran dalka Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |