|
Dagaal qaraar oo sababay dhimasho
iyo dhaawac oo maanta Baydhabo ku dhex maray ciidamada madaxweynaha iyo kuwa
RRA-da.
Dagaal culus oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa
maanta ka dhacay agagaarka aqalka madaxweyne Yuusuf uu ka degan yahay
magaalada Baydhabo, kaasi oo dhex maray maleeshiyooyinka daacada u ah
madaxweynaha iyo kuwa RRA-da.
Malaaq Seymow Cabdi Garuun oo ka tirsan malaaqyada caanka ah ee laga
yaqaano magaalada Baydhabo ayaa ku geeriyooday , xildhibaan Xuseen
Afaraalena waa uu ku dhaawacmay dagaalkii maanta ka qarxay magaalada
Baydhabo abaarihii 12:00 duhurnimo, waxaana la sheegay in malaaqa uu
hogaaminayay maleeshiyooyinka dagaalka la galay kuwa madaxweyne Yuusuf,
halka xildhibaankana uu goobta marayay xiliga dagaalka uu qarxayay.
Ka sakow geerida Malaaqa waxaa sidoo kale ku geeriyooday 10 qof oo kale
oo ka tirsanaa dhinacyadii dirirayay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen, ayada
oo dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee magaalada
iyo guud ahaan isu socodka magaalada.
Waxaa iminka socda waan waan ay wadaan qaar ka mid masuuliyiinta dawladda
iyo kuwa ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo dadaal weyn ugu jira soo
afjarida xiisadaasi colaadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo.
Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmay xili
masuuliyiinta ugu sarreysa dawladda ay ku sugan yihiin magaaladaasi, taasi
oo abuuri karta su’aalo dhawr ah oo ku saabsan sababaha keenay dagaalkaasi.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |