|
waxgaradka iyo Culuma'udiinka
magaalada baydhabo oo si weyn uga soo hor jeestay maleeshiyaadka Isbaheysiga
la dagaalanka argagixisada ee shalay gaaray magaalada Baydhabo.
Qaar kamid ah culaam'udiinka gobolada Bay iyo bakool iyo waxgardka aya
waxa wal wal xoogan ay ka muujiyeen in magaalada baydhabo hooy ay u noqoto
maleeshiyado ka amar qaata wasiirka hub ka dhigista Bootaan Ciise Caali oo
shalay gaaray magaalada Baydhabo.
Sh.Muqtaar Robow oo loo yaqaano Abuu Mansuur ayaa sheegay in aysan raali
ka aheyn in magaalada Baydhabo ay joogaan maleeshiyaadk gumad kasoo geystay
magaalada Muqdisho,isla markaana gaalo lasoo heshiiyay sida uu sheeku
sheegay.
''Maleeshiyada hadda joogta Baydhabo hore ayey Xasuuq uga geysteen
gobolada Bay iyo Bakool,iyagoo magacyo kale sita,hadda waxaa ay dhibaato u
geysteen dad maato ah oo ku sugan magaalada madaxdii dalka ee Muqdisho''.
Sh.Muqtar Roobow waxaa uu intaasi raaciyay in maleeshiyaadka soo garay
Baydhabo aan laga laheyn magaalada balse waa hadii ay ka laabtaan shaqad
hadda ay iksu magaacabeen in ay hayaan isla markaana ay Ilahey u towbad
keenaan.
Waxaa Sh.Muqtaar uu sheegay in soo dhaweyntii qaar katirsan dadka kasoo
jeeda gobolada Bay iyo Bakool ee maleeshiyadkiisa aysan wax weyn ku dhisneyn
isla markaana dadka reer Digil iyo Mirifle ay meel kaga soo wada jedaan
cidkasta oo dhibaato usoo jiidi karta gobollada Bay iyo Bakool.
Sidoo kale masuuliyiin katirsan amniga gobolka Bay ayaa waxaa walaac
xoogan ay ka muujiyeen gaarista maleeshiyaadkaasi ee Baydhao waxaana
masuuliyiintiisa ay sheegeen in ay cabsi ka qabaan in magaalada Baydhabo
lagusoo daba galo ciidankaasi.
Hore ayaa masuuliyiin katirsna dowladda Federaalka ee ku sugan Baydhabo
waxaa ay u shaaciyeen in yasa raai ka aheyn in madax ka tirsan wasiirada
hubeysan ee dagaalada ka wada Muqdisho ay soo gaaraan gobollada Bay iyo
Bakool.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |