Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

C/rashiid Ilqeyte oo maanta Nairobi lagu xiray isla markaana loo musaafuriyey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Booliska dalka Kenya ayaa damaanad kusii daayey ganacsade C/rashiid Shire Ilqeyte oo maanta booliska dalkaasi ay qadar saacado ah ku hayeen waaxda socdaalka ee garoonka caalamiga ee Joma Kenyata ka dib markii lagu eedeeyey in si sharci daro ah uu kusoo galay dalka Kenya.

Ganacsade C/rashiid Ilqeyte ayaa haatan la sheegayaa in loo musaafuriyey dalka Imaaraadka oo si sharci ah uu ku deganyahay,waxaana dowlada Kenya ay ku amartay ganacsadahan inuusan Kenya dib ugu soo laaban isagoon wadan dal ku gal sharciyeysan.

C/rashiid Ilqeyte ayaa in dhawaalaba ku sugnaa magaalada Nairobi, kadib markii ciidanka maxkamadaha islaamiga ay ka qabsadeen hotelkii Saxafi ee uu milkiga u lahaa, taasi oo ku xanbaartay in uu u cararo dalka Kenya si uu u helo goob uu ku badbaado.

Eryida ninkan ka tirsanaa isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka ayaa yimid kadib markii dawladda Kenya ay sheegtay in dalkeeda aysan soo geli Karin xubnaha isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka ee laga soo ceyriyay magaalada Muqdisho.

Waa ninkii ugu horreeyay oo ka tirsan isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka oo laga musaafirayo wadamada jaarka la ah dalka Soomalaiya, taasi oo keeneysa in xubnaha kale ee isbahaysiga ee isaga cararay magaalada Muqdisho aysan u safran dalalka jaarka.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


 

© RSTV 2006. All Rights Reserved