Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Jarmalka oo balanqaaday inuu kaalin mug leh ka geysanayo dib u dhiska iyo nabad kusoo dabaalida Soomaaliya.

 Madaxweynaha dalka Jarmalka Horst Cooler ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka qeyb qaadan doono nabad kusoo dabaalida Soomaaliya iyo waliba dib u dhiska dalkaasi. Hadalka Madaxweynaha Jarmalka ayaa yimid ka dib markii kulan uu madaxtooyada dalkaasi ee Bilavo kula qaatay dhigiisa dalka Yeman Cali C/lla Saalax oo haatan socdaal shaqo iyo mid caafimaadba ku maraya dalka Jarmalka.

Labada Madaxweyne oo si weyn u gorfeeyay xaalada Soomaaliya ayaa waxa ay isla meel dhigeen in ay iska kaashadaan dib u soo celinta qaranimadii dalka Soomaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Madaxweyne Saalax iyo madaxweyne Cooler oo ah madaxweyne awood badan aan lahayn marka la eego maamulka dalkaasi oo gacanta uu ugu jira ra'isulwasaaraha Jarmalka haweenayda lagu magacaabo Angela Merkal ayaa tilmaamay in ay lama huraan tahay beesha caalamka in ay is barbar taagto Soomaaliya ayna taageerto

 dadaalada dib u hishiisiinta iyo nabad kusoo dabaalida taas oo ay tibaaxeen in ay door weyn ka ciyaari doonto la dagaalanka waxa ay ugu ugu yeeraan reer galbeedka argagixisada ka jirta Geeska Afrika. Ayaoo labada madaxweyne ay sidan isku afgarteen hadana waxaa baaq ku aadan sidii dowlada federaalka loo tageeri lahaa beesha caalamka u diray wasiirka arimaha dibada Yaman Abukar Alqurabi isagoo hadalkan baaqa ahna ka sheegay kulan uu la qaadanayey safiirada mareykanka iyo midowga yurub u fadhiya magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yaman.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM