Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Burcadda Xarardheere oo ku hanjabtay in shaqaalaha ay heyso ay dileyso haddii maleeshiyooyinka mareykanku qabtay lasii daynin.

Maleeshiyooyinka ku sugan degmada Xarardheere ayaa ku hanjabay in talaabo ay ka qaadayaan shaqaalaha maraakiibta la afduubto hadii Mareykanku aanu sii deyn 10 ruux oo ciidamada Mareykanku dhowaan ay qabteen.

Horjoogaha Qafaalatada maraakiibta ku qabsata Badda deegaanka Xaradheere Garaad Max'uud Max'ed ayaa waxa uu sheegay in talaabo cad ay ka qaadi doonaan shaqaalaha saaran maraakiibta ay qabtaan taasi oo uu ku sii macneeyay in ay qudha ka jaraan hadii Mareykanka aanu sii deynin 10 ka ruux ee dhowaan ay ka qabteen badda, iyadoo la sheegay in falal afduub ah ay ku guda jireen.

Garaad waxa uu sheegay in Mareykanka ay qalad ku tahay in uu ku soo xadgudbaan xeebaha dalka Somalia iyo waliba Badda Somalia, oo uu sheegay in aysan jirin cid u soo dirsatay.

Waxa uu ku dooday in maleeshiyooyinka Xarardheere aysan aheyn burcad badeed, balse ay yihiin kuwo ilaaliya badda Somalia, lacagaha madax furashada ah ay ka qaadaan maraaakiibta ayaa waxa uu sheegay in ay tahay lacag canshuur ah oo ay ka qaadayaan maraakiibta sida sharci darada ah u soo gasha xeebaha Somalia.


Garaad waxa uu sheegay in xaruntoodu ay tahay degmada Xarardheere isla markaana dad badan ay kala shaqeeyaan, isagoo tilmaamay in ay ka soo guureen dhinaca degmada Eyl ee Puntland, oo uu sheegay in ay ka dilaaceen kooxo burcad badeed ah, ka dibna talaabo ay ka qaadeen.


10 ka ruux ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa ilaalada ah ee dagan Xarardheere, balse Mareykanka uu sheegay in ay yihiin burcad badeed maraakiibta afduubata.


Garaad Max'uud Max'ed waxaa kale uu sheegay in howlihii maraakiibta ay ku soo qabsanayeen ay halkoodii ka sii wadayaan, isla markaana aysan wax cabsi ah galineyn 10 ka ruux ee mareykanku ay qabteen, isagoo sheegay in ay is difaacayaan, halkoodiina ay ka sii wadanayaan howlgaladoodii, ahaa qafaalashada maraakiibta.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM