Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Yaman oo si weyn u gorfeeyey arimaha Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha wadamada Yaman iyo Shiinaha Cali Cabdalla Saalax iyo Hu Jintaw ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beijing ee xartunta wadanka Shiinaha ayagoo isla soo qaaday xaalada geeska afrika gaar ahaan wadanka Soomaliya oo muddo ka badan 15 sano dowlad la'aan ah.


Kulankan oo saacado qaatey oo labada mas'uul ay ku yeesheen xarunta shacbiga ee magaalada Bejing ayaa waxaa si weyn ay isula meel dhigeen qaabka ugu haboon ee taageerada loogu fidin karo dawlada KMG ah ee Soomaaliya.


Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in dawladiisu ay taageero buuxda siin doonto dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya ee socod baradka ah isagoo tilmaamay in dawlada Shiinaha iyo shacabkeeduba ay Soomaaliya ka kaabayaan dhinacyada dib u dhiska iyo amaan soo celinta.

Who Jintaw ayaa si weyn u amaanay dadaalada madaxweynaha dalka Yaman uu ku bixiyey isu keenida hogaamiyaashii dirirsanaa ee Soomaalida gaar ahaan 3-da mas'uul ee ugu sareysa dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya ka dib markii wadankiisa uu ku qabtay kulan khilaafaadka hogaamiyaasha Soomaalida ka dhaxeeyey lagu soo afjarayey.


Madaxweynaha Yaman Cali Cabdale Saalax ayaa isna sheegay in wadankiisu uu sii wadayo dadaalada lagu taageerayo geedi socodka nabada Soomaaliya isagoo ugu baaqay beesha caalamka in aysan dayicin fursada haatan la heysto ee Soomaaliya lagu nabadeyn karo waxaana uu ku dhaliilay beesha caalamka ka gaabiska arimaha Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU


© RSTV 2006. All Rights Reserved