|
Barvez Musharaf iyo Cali Cabdalla
Saalax oo si weyn u falanqeeyey arimaha Soomaaliya.
Madaxweynayaasha wadamada Pakistan iyo Yaman ayaa maanta kulan dheer oo
ay u yeesheen magaalada Islam abad ee xarunta wadanka Pakistan waxa ay ku
jeexjeexeen arimo ay ka mid ahaayeen arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha wadanka Yaman Cali Cabdala Saalax oo ku jira booqasho uu ku
marayo wadamo dhowr ah oo ku yaalla koonfur bari Eeshiya ayaa maanta waxa uu
socdaal ku tagay wadanka Pakistan isagoo kulamo la qaatay dhigiisa
wadankaasi ee Barvez Musharaf.
Labada madaxweyne ayaa si fiican isula meel dhigay xaalada wadanka
Soomaaliya iyo sida ay isaga kaashan karaan gacan qabashada dowlada kmg ah
ee Soomaaliya oo ayadu haatan ku howlan isku ballaarinta gudaha wadankeeda.
Madaxweynaha martida loo yahay ee wadanka Pakistan ayaa sheegay in
wadanka Pakistan uusan ka daalin u gurmashada walaalihiisa Soomaalida isagoo
tibaaxay in Pakistan ay waligeedba taageeri jirtay Soomaaliya haatanna ay
sii wadi doonto taageeradaasi waxaana uu beesha caalamka ugu baaqay in ay ku
dadaalaan taakuleynta dowlada kmg ah iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Yaman Cali Cabdala saalax ayaa isna ka codsaday beesha
caalamka in ay sii laba jibaarto taageerada ay haatan u fidinayso dowlada
kmg ah si ay ugu guuleysato wax u qabashada shacabkeeda.
Maxamed Cadde.
Xafiiska RSTV Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |