Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xoghaya guud ee jaamacada carabta oo ugu baaqay mas'uuliyiinta dowlada kmg ah ee Soomaaliya in ay xil iska saaraan joojinta colaadaha ka holcaya Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee jaamacada carabta Mudane Caamir Muusa ayaa walaac ka muujiyay colaada ka holcaysa wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee u dhaxeysa makamadaha islaamiga iyo isbahaysiga la magac baxaysoo celinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada.

Caamir Muusa waxa uu ka digay in colaadan kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho ay horseedo dagaallo ahli ah oo ay lug ku yeeshaan dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed, waxa uuna ku warramay xadgudubyo baahsan oo ka dhaca dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee jaaamacada carabta Caamir Muusa ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya in ay xil iska saaraan joojinta colaada kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho ee u dhaxeysa maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Baaqa Caamir Muusa ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdsiho ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo hub uruursi oo ay wadaan isbahaysiga islaam la dirirka si mar kale dagaallo lagu hoobto ay uga qarxaan magaalada Muqdisho.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU


© RSTV 2006. All Rights Reserved